Fahad Yasin oo soo sharaxay Musharax Kale kadib markii lagu fahmay kuwii Hore - xog muhiima

0
Thursday April 19, 2018 - 03:58:50 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 4689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fahad Yasin oo soo sharaxay Musharax Kale kadib markii lagu fahmay kuwii Hore - xog muhiima

    Waagacusub.com - Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Fahad Yaasin oo bilaabay in uu soo sharaxo Musharax kale kadib markii uu ku fashilmay lana ogaaday Musharaxiin kale oo u wato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Fahad Yaasin oo bilaabay in uu soo sharaxo Musharax kale kadib markii uu ku fashilmay lana ogaaday Musharaxiin kale oo u wato.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa soo sharaxay Saalim Caliyoow Ibroow oo aay ilmo habreed yahiin sidoo kalane ah wasiirka korantada iyo Biyaha Xasan Cali Khayre.

Saalim Caliyoow Ibroow Waxaa Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin u geeyay suldaan Warsame Caliyoow ibroow oo aay ilmo habreed yahiin Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo ah Agaasimaha Madaxtooyada.

Fahad Yaasin ayaa iminka wajahaya Culees baddan isaga oo ka cabsi qaba in Xildhibaanada Mucaraadka ah ay ku fahmaan shaqsiga uu wato isaga oo adeegsanayo shaqiyaad kale si uu isaga dhiga qof aan shaqo ku laheyn.

Fahad Yaasin ayaa horey usoo sharaxay Afar Musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle , ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay sidoo kalane katirsan kooxda Alla Sheekh ee xisbiga Madaxweynahii Hore Dowladii KMG Sheekh Shariif Halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan Kooxda Damjadiid balse horey loogu diiday Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta .

Dhanka kale waxaa soo badanaya Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaasi oo aan qaarkood wadan shaqsiyaad balse doonaya in kartidooda iyo Kalsoonida ay ku qabaan Xildhibaanada kale ee ay saaxibada yahiin ku soo baxaan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...