[Topnews:-] Liiska Xildhibaano lagu abaalmariyay lacag iyo baabuur iyo kuwa la yasay sida Dahir Jeesow iyo Cabdullahi Sheikh Ismaaciil

0
Friday April 20, 2018 - 06:05:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8568
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Liiska Xildhibaano lagu abaalmariyay lacag iyo baabuur iyo kuwa la yasay sida Dahir Jeesow iyo Cabdullahi Sheikh Ismaaciil

    Waagacusub.com - Xildhibaanadii saxiixay Mooshinkii la rabay in xilka looga qaado Jawaari ayaa badankood la siiyay lacag abaalmarina oo isku darkeeda guud uu gaaray $5000=$955,000 laakiin waxaa jira Xildhibaano baabuur loo iibiyay ,halka kuwii ololah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xildhibaanadii saxiixay Mooshinkii la rabay in xilka looga qaado Jawaari ayaa badankood la siiyay lacag abaalmarina oo isku darkeeda guud uu gaaray $5000=$955,000 laakiin waxaa jira Xildhibaano baabuur loo iibiyay ,halka kuwii ololaha waday qaarkoodna la yasay sida Dahir Amiin Jeesow iyo Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo aan waxba la siin.
Habeen hore ayaa hawshaas  qeybteedii hore si fiican la isu afgartay waxaana koox waliba loogu dhiibay khidmadeeda dhowr qof oo sida sharcigu qabo lagu qeybiyey 4.5 haddii kale waxaa jabaya xeerka 4.5.

Hawlahaasna sidaan ayey u dhaceen: $5,000 ayaa la siiyay dhamaan inta ku saxiixan liiska hore. Dadka qaar ayaa xilal loo ballan qaaday, qaarna dhaqaale badan ayaa la siiyay iyadoo la fiirinaayo saamaynta ay leeyihiin. Sidoo kale waxaa qeylidooda iyo Af dheeridooda lagu abaalmariyey Xil Zakariye iyo Cali Ganey oo loo iibiyay baabuur aan xabadda Karin. Tolow xaggee looga tagay Cabdullahi Sh Ismaciil oo sharci aqoontii iyo waaya-aragnimadii meel dhigtay iyo Xil Dahir Amin Jesow oo loogu iibin waayey gawaarida geeri-celiska loo qaatay.

Loading...

Beesha Digil iyo Mirifle:
Xil Yacquub
Xil Abdirahman Amardambe
Xil Xussen Sh Batni
Beesha Hawiye:
Xil Cali Ganey
Xil Abtidon yare (mulkiilaha Hotel SYL)
Xil Carabow
Xil Cabdurahman Dheere
Beesha Dir
Xil Xusen carab ciise
Xil Maareeye ( wasiirka ganacsiga)
Beesha Daarood:
Xil Xayir (wasiira dowlaha maaliyadda)
Xil Daleys
Beesha 5aad:
Xil Khadiijo Diiriye ( wasiirka dhalinyarada)
Xil Abdirashiid Shikhalow ( wasiirka Batroolka)
Xil Maxamed Cabdikafi
Ogaada wixiinna shkhsiyaadkan ayaa la idiim kudu soo dhiibay ayaa la yiri ee bal cidden wali gacntu daarin war doon

Sida cad lacagta ku baxday ma badna oo waa 191  xildhibaan oo min  $5000=$955,000 tolow meeqa ceel ayey u qodi kartay dadka abaaraha hayaan? Meeqa dugsi ayey dhisi kartay? Meeqa askari ayey mushaar u noqon kartay? Meeqa…. Meeqa? Waa dood furan oo u baahan inuu dhadhamiyo xildhibaan daacad ah oo Alla ku darsatay dhaartii kitaabka quraanka ku maray.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...