[Topnews] Wasiiradda isu sharaxay xilka Gudoomiyaha Barlamaanka oo laga nixiyay iyo sharuud adag oo la hordhigay ?

0
Sunday April 22, 2018 - 10:25:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Wasiiradda isu sharaxay xilka Gudoomiyaha Barlamaanka oo laga nixiyay iyo sharuud adag oo la hordhigay ?

    Waagacusub.com - Xildhibaannada wasiirada ah ee isu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaalad culuska soo wajahday xilalkooda kadib markii Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday inay iska casilaan xilalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xildhibaannada wasiirada ah ee isu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaalad culuska soo wajahday xilalkooda kadib markii Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday inay iska casilaan xilalka ay hayaan ee wasiirnimo.
Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa sheegay in looga baahan yahay Wasiirada xilalka ka haya Xukuumadda ay iska casilaan xilalkooda marka hore, ayna qoraalka is casilaadda kala yimaadaan Ra’iisal wasaaraha xukuumadda.
Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada ayaa ku adkeysanaya in wasiirada u tartamaya xilka ay is casilaan, taasoo shuruud looga dhigay si ay uga qeyb galaan tartanka, waxayna arrintan ku xiran tahay Ra’iial wasaare Kheyre oo laga rabo inuu maareeyo ugu yaraan saddex ka imida wasiiradiisa.
Xildhibaannada wasiirada ah ee u sharxan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala ah: Wasiirka Difaaca, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Hubanti la’aanta heysata wasiirada u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga yaabaa inay keento inay qaarkood ka haraan tartanka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...