[Topnews:-]Fahad Yasin iyo Khayre oo qorshe Halisa degay iyo 3 Musharax oo Miiska u saaran!

0
Tuesday April 24, 2018 - 20:29:03 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 5227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-]Fahad Yasin iyo Khayre oo qorshe Halisa degay iyo 3 Musharax oo Miiska u saaran!

    Waagacusub.com -Madaxtooyayada Soomaaliya oo usoo dhar dhigatay dhaqaalahii ugu badnaana ku baxinaya sidii aay doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sedex Musharax oo aay wataan midkood ugu soo baxi -lahaay taas oo ah arrin halisteeda leh hadii midk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com -Madaxtooyayada Soomaaliya oo usoo dhar dhigatay dhaqaalahii ugu badnaana ku baxinaya sidii aay doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sedex Musharax oo aay wataan midkood ugu soo baxi -lahaay taas oo ah arrin halisteeda leh hadii midkood sedaxdaasi Musharax ku guuleesto Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo goordhow lagu wado in lagu qabto Magaalada Muqdisho.


Loading...

Wakuma sedexdaasi Musharax  Halkaan ka Aqriso

1: Musharax shariif Maxamed Cabdalla waxaa uu kamid yahay kooxda AL Islaax waxaa wata Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Cabdiweli Muudeey oo doonaya in uu ku shaqeesto sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin iyo R/wasaare Khayre ayaa iyugana ku raaacsan maadama musharaxiinta qaar ku fashilmeen oo lagu fahmay shaqsigaasina ku dhuumanaya .

 

2: :  Xildhibaan Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur  waaxaa si weyn ugu qanacsan rabana in danaha uu ka leeyahay hay'adda fulinta ku gaaro afduubna ku sameeyo Xildhibaanada   R/wasaare Khayre iyadoo  uusan meesha ka marneyn Fahad Yaasin oo dhankiisa doonaya in  hadii uu soo baxo ku shaqeesto danahiisa gaarkana ku fushado dhaqaaalo badana u gacan geliyay musharaxaasi Fahad Yaasin waloow dadka Siyaasadda falanqeeya leeyahiin Musharaxaasi kama gadmaayo Xildhibaanada lacag walbo lagu baxsho sooma baxaayo.

3:Musharax Saalim Caliyow Ibrow waxaa wata  oo soo sharaxay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin Xaaji Daahir Musharax Saalim Caliyoow Ibroow waxaay  ilmo habreed yahiin,Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin waxaana u geeyay suldaan Warsame Caliyoow ibroow  waana shaqsi uu doonayo in uu kula wareego awooda hay'adda fulinta.

Musharaxiintaasi  waxaa lacagahii ugu badnaay ku baxinaya Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Fahad Yaasin iyo  Ra'isalwasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Qadar ka keenay lacago badan iyo lacagtii Canshuurta iyo hantida qaranka oo aay u isticmaalayaan kaambeyn iyadoo dalka dhibaatooyin badan oo in wax laga qabta mudan jiraan.

Sidoo kale waxaa jiro Musharax kale oo aay ku fashilmeen kadib markii uu fudeedkiisa batay waayayna qaab uu ku kasbado ama ula macaamilo Xildhibaanada isaga oo isku haleeynaya in Khayre iyo shaqsiyaad gaara lacagta Xildhibaanada loogu dhiibo oo Xildhibaanada codkiina iibsada lagu yiraahdo isaga oo aan wax tex gelina ama fadhiya la qaadan xildhibaanada maanta ayuuna iska casilay Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman waloow warar soo baxaayo sheegayaan in la doonaayay in xilka uu baneeyay in gor gortan lagula galo Xildhibaanada qaar si aay u soo saaran sedexda Musharax ee aaay xoog iyo xoolaba isugu geeyeen.

Hadii sedexdaasi Musharax midkood la doorto waxaa meesha ka baxi doona Heybada iyo karaamada Xildhibaanada lahaayeen iyadoo koox gaar ah aay afduuban doonaan hay'adda fulinta taaso ah rajo beel iyo in Umadda Soomaaliyeed rajada wanaagsan aay ka lahaayeen meesha ka baxdo maadama loo hanweyn yahay Xildhibaanada in aay so doortaan shaqsi dano gaara lagu fushanayo.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...