[Wardegdega:] Farmaajo Xabsiga dhigay Saraakiil u dhalatay Majeerteen -Ogaadeen iyo Dhulbahante ? Qabyaaladii ugu xumeeyd taariikhda.

1
Thursday May 10, 2018 - 19:02:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7901
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega:] Farmaajo Xabsiga dhigay Saraakiil u dhalatay Majeerteen -Ogaadeen iyo Dhulbahante ? Qabyaaladii ugu xumeeyd taariikhda.

    Waagacusub.com - Saraakiisha beesha Mareexaan ee ka hoowlgasha Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa Xabsi qarsoodiya ku xiray Saraakiil ka shaqeeynaayey Madaxtooyadda 10-koo sano ee la soo dhaafay kuwaas oo u dhashay beelaha Majeerteen ,Ogaadeen iyo Dhul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiisha beesha Mareexaan ee ka hoowlgasha Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa Xabsi qarsoodiya ku xiray Saraakiil ka shaqeeynaayey Madaxtooyadda 10-koo sano ee la soo dhaafay kuwaas oo u dhashay beelaha Majeerteen ,Ogaadeen iyo Dhulbahante.

Saraakiisha Aaminka ah ee la wada yaqaan sida xuna loo jirdilay kadibna Xabsiga loo taxaabay waxaa ka mida  Cabdisalaan Geyre Muse oo u dhashay Dhulbahante. Nuur Axmed iyo Nuur Muse Xersi, Nuur Jareer , oo u dhashay Majeerteen Reer Baciidyahan.

Labada Sarkaal Waxeey Madaxtooyadda ku soo biireen sanadkii 2007 xilligii Dowladdii Cabdullahi Yusuf,waxeey intaas ka shaqeeynayeen ilaaladda Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.


Loading...


Labada Sarkaal Maxkamad lamma saarin , qofna looma sheegin ,waa laba Sarkaal oo aamina oo la wada yaqaan waxaana loo xiray oo lagu eedeeyay iney dilli rabeen Farmaajo oo Cabdiweli Gaas u diray.

Been abuurka lagu xiray Saraakiisha waxaa bixiyay Saraakiil u dhalatay beesha Mareexaan oo qabyaalad cad ku heeysta labada Sarkaal .

Waxaa kale oo jira Askar u dhalatay beelaha Majeerteen,Dhulbahante iyo Ogaadeen oo xalay Xabsi qarsoodiya loo taxaabay inta hubka laga dhigay.

Farmaajo iyo Saraakiisha beeshiisa ayaa ku kacaya falalkii ugu xumaay ee qabyaaladeeysan tan iyo maalintii uu kursiga Madaxtooyadda Fariistay.

By Dahir Alasow

[email protected]

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...