[Topnews:-] Wasiir u shaqeeya Sirdoonka Mareykanka oo lagu eedeeyay duqeeynta beeraleeyda Hawiye iyo Buugga dacaayadda FAO IYO Worldbank.

0
Friday May 11, 2018 - 20:51:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4893
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Wasiir u shaqeeya Sirdoonka Mareykanka oo lagu eedeeyay duqeeynta beeraleeyda Hawiye iyo Buugga dacaayadda FAO IYO Worldbank.

    Waagacusub.com - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Somalia Jamaal Mohamed Hassan oo u dhashay Beesha Warsengeli Daarood ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo duqeeymaha iyo weeraradda Diyaaradaha Mareykanka iyo Ciida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Jamaal Mohamed Hassan
Waagacusub.com - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Somalia Jamaal Mohamed Hassan oo u dhashay Beesha Warsengeli Daarood ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo duqeeymaha iyo weeraradda Diyaaradaha Mareykanka iyo Ciidanka ay Mushaarka siiyaan ay la beegsadeen Beeraleey iyo xoolo dhaqato u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan weerarkii lagu duqeeyay Jilib, Weerarkii lagu qaaday Bariire iyo tuuladda Macalinka Degmadda Afgooye. sida ay Waagacusub ugu xog warameen Xildhibaano iyo siyaasiyiin u dhashay beesha Hawiye .

Saraakiil reer Galbeeda oo fadhigooda yahay degaanka Xalane ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa Waagacusub u sheegay in Jamaal Mohamed Hassan weli ka tirsan yahay Saraakiisha sare ee Sirdoonka Mareykanka , iyadoo la xusay inuu weli heeysto Diplomat Passport-kii Mareykanka ee xilligii uu Safaaradda Kenya ee Mareykanka ka hoowlgeli jiray la siiyay.

"Duqeymaha ,weeraradda diyaaradaha Mareykanka ku beegsadeen Bariire iyo tuuladda Macalinka ee degmadda Afgooye ,gobolka Shabeeladda hoose labadaba xogahaas qaldan waxaa bixiyay Wasiir Jamaal Mohamed Hassan oo ka mida Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka, laakiin baaris ayaan ku wadnaa wuxuu falalkaas foosha xun u sameeyay” sidaas waxaa Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye u sheegay Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Abukar Islow .

"Wasiir Jamaal wuxuu dagaal kula jira qabiilka Hawiye, waa ninka gudbiyay warbixinta been abuurka ee loogu gefay beeraleeyda Hawiye ee Shabeeladda hoose ,warbixintaas oo lagu sheegay in beeraha Shabeeladda hoose ay xoog ku heeystaan dad aan aqoon tacabka beeraha” ayuu yiri Taliyahii hore ee Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia Mr Abdullahi Sanbaloolshe oo hadda jooga Addis Ababa.

"Wasiir Jamaal wuxuu la shaqeeyaa kooxda Urur diimeedka Al-Ictisaam ee Fahad Yasiin iyo kooxda qabyaaladeysan ee Farmaajo , wuxuu labadaba u qaabilsan yahay Xiriirka Dowladda Mareykanka ,wuxuuna ugu laab qaboojiyaa ineysan wax culeeysa kala kulmi doonin Dowladda Mareykanka” ayuu yiri Diplomasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia, qeybta Sirdoonka .

Diblomaasiga oo codsaday inaan magaciisa la xigan wuxuu ku xog waramay in Wasiir Jamaal damacsan yahay halis ka weyn weeraradii dadka u dhashay qabiilka Hawiye ee beeraleeyda lagu laayey.

Sikastaba ha ahaatee, Wasiir Jamaal oo lagu eedeeyo inuu yahay Nin qabyaaladda iyo laaluushka u nugul waa nin aamusnaan badan oo mudo dheer u shaqeeynaayey Dowladda Mareykanka qeybta Afrika.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...