[Topnews:-] Dowladda Mareykanka oo Madaxweyne Farmaajo ku gacan siineyso Aargoosi qabiil Somalia ?

1
Saturday May 12, 2018 - 03:15:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6480
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladda Mareykanka oo Madaxweyne Farmaajo ku gacan siineyso Aargoosi qabiil Somalia ?

    Waagacusub.com - Ciidanka Cirka iyo badda ee Dowladda Mareykanka ayaa u muuqdo kuwa bartilmaameedsanayo dadka rayidka iyo beeraleeyda u dhashay qabiilka Hawiye ee ku awoodda badan bartamaha Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ciidanka Cirka iyo badda ee Dowladda Mareykanka ayaa u muuqdo kuwa bartilmaameedsanayo dadka rayidka iyo beeraleeyda u dhashay qabiilka Hawiye ee ku awoodda badan bartamaha Somalia.
Qurbajoogta , Xildhibaanadda iyo Saraakiisha Ciidamadda ee u dhashay qabiilka Hawiye ayaa ka shiraya sida looga jawaabi karo weeraro lagu laayey dad u dhashay qabiilka Hawiye oo Ciidanka Cirka ee Mareykanka uu ka qeyb qaatay .
Weeraradda lagu laayey Xoolo dhaqato iyo beeraleey u dhashay qabiilka Hawiye ayaa ka dhacay Tuuladda Ahmed Yare ee Degmadda Jilib, degaanadda Bariire iyo Tuuladda Macalinka ee gobolka Shabeeladda hoose.
Lamma ogga Mareykanka iney laftooda ka aargoosanayaan qabiilka Jeneral Mohamed Farah Caydiid oo ay Muqdisho ku dagaalameen 3 October 1993 hasse yeeshee dadka u dhashay qabiilka Hawiya ayaa aaminsan iney Dowladda Mareykanka si toosa uga qeeyb qaadaneyso Aargoosiga qabiil ee Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo la beegsanaayo qabiilka Hawiyaha oo Dowladdii Adeerkiis kaligii taliye Mohamed Siyad Barre ka tuuray xukunka Somalia 21 sano kadib.
Taliyahii hore ee Sirdoonka Somalia Abdullahi Sanbaloolshe,Wasiirka Amniga Somalia Abukar Islow iyo Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye ayaa weeraradii Jilib,Bariire iyo Tuuladda Macalinka ku eedeeyay inuu abaabulay Wasiirka Iskaashigga Caalamiga ee Dowladda Farmaajo Mr Jamal Mohamed Hassan oo u dhashay beesha Warsengeli Daarood.
Wasiir Jamal oo la rumeeysan yahay inuu la shaqeeyo Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegta inuu yahay Sarkaal sare oo ka mida Sirdoonka Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa weerar ay sanadkii hore qaaday waxeey ku dishay Saraakiil u dhashay beesha Habargidir oo ka tirsanaa Taliyeyaasha Ciidamadda Maamulka Galmudug ee goboladda dhexe.
Taliska Africom ee Ciidanka Mareykanka waxeey sheegeen in la baari doono laakiin waxaa la rumeeysan yahay iney ugu dambeeyn sheegi doonaan in dadka la dilay dhamaan ahaayeen dad hubeeysan.
Somalia oo ay qabiiladu colaad u dhaxeeyso dadka badankiis waa hubeeysan yihiin taas oo micnaheedu yahay ineysan dimbi aheyn iney dadka hub guryahooda ku heeystaan.
Dadkii kol hore lagu dhameeyay degaanka Bariire waxaa magdhaw ka bixiyay Dowladda Somalia kadib markii beesha Habargidir diiday iney meeydadkii dadkaas duugtaan.
Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Mareykanka waxeey weeraradii Jilib,Bariire iyo tuuladda Macalinka ee degmadda Afgooye ku dileen dad rayida oo aan lug ku laheyn siyaasad iyo argagixiso ,waxaana la rumeeysan yahay iney falalkaan qeeyb ka yihiin Aargoosi iyo barakicinta qabiilka Hawiye taas oo  ay dhici karto iney kooxaha argagixisadda ka faa’iideeystaan maadama ay qabiilka Hawiye aamineen in Mareykanka uu la safan yahay qabiilka Mareexaan ee Madaxweyne Farmaajo ka dhashay.

Loading...

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...