[Topnews Daawo] Nin Gaaljecela oo guryo qurux badan ka dhistay Canshuurta Dekadda Muqdisho halsano gudahiis iyo heerka musuqmaasuqa gaaray

0
Sunday May 13, 2018 - 08:50:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6994
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews Daawo] Nin Gaaljecela oo guryo qurux badan ka dhistay Canshuurta Dekadda Muqdisho halsano gudahiis iyo heerka musuqmaasuqa gaaray

    Waagacusub.com - Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Isbadal lagu sameeyay Maamulka Waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho waxaa hareeyay Musuqmaasuq baahsan oo sababay in hoos u dhac uu soo wajaho Dhaqaalaha ka soo xarooda Waaxda Canshuuraha ee Dekadda M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Isbadal lagu sameeyay Maamulka Waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho waxaa hareeyay Musuqmaasuq baahsan oo sababay in hoos u dhac uu soo wajaho Dhaqaalaha ka soo xarooda Waaxda Canshuuraha ee Dekadda Muqdisho.

Shabakadan isku xiran oo ka kooban Waaxda Canshuuraha ee Dekadda, Booliska Illaalinta Canshuuraha, iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka sameeyay Lacag fara badan Dekadda Muqdisho, Waxaana Musuqmaasuqan sidoo kale ku lug leh Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo u diyaarsan inay ka difaacaan Musuqmaasuqan Hay’adaha kale ee Dowladda inay baaraan.

Axmad Samoow oo loo magacaabay 20-kii bisha May ee Sannadkan 2017 Madaxa Canshuuraha Dekadda Muqdisho waxa uu hadda dhisanayaa Guri Dabaq ah oo dhowr biyaano ah oo uu ka dhisayo Degmadda Xamar Jajab.


Loading...

WAXAANA DABAQAN KU BAXAYSA LACAG KA BADAN 1 MILYAN OO DOLLAR.

Samoow oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda sida uu qabo Xeerka Shaqaalaha Rayidka waxa uu noqonayaa qofka Agaasime Waaxeedka ah Mushaarkiisu $1,100 (Kun iyo Boqol Doolar), wuxuuna isu gayn noqonayaa Mushaarkiisu 4-ta Bilood ee uu Xilka hayay $4,400.

Gundhiga.com  waxay ogaatay in Lacagta ugu badan laga helo Canshuurka Badeecadaha oo loo Canshuuro si aan waafaqsanay Xeerka Canshuurta, Waxaana isku si loo Canshuuraa Kunteenarka uu ku jiro Bagaashka iyo Kan Moobayladu ay ku jiraan, Iyadoo Booliska Illaalinta Canshuuraha ee ay ahayd inay Koontaroolaan Badeecadana ay qayb ka yihiin Musuq Maasuqa, taasoo u fududaynaysa Waaxda Canshuuraha ee Dekadda inaan la ogaan wax is daba marintooda.

Gundhiga.com waxay sidoo kale heshay Boonooyin Canshuur oo la been abuuray, kuwaas oo aan ka soo bixin Wasaaradda Maaliyadda, balse uu soo samaystay Madaxa Canshuuraha Dekadda, Axmad Samoow.


Mid ka mida Boonooyinkaas oo ay heshay Gundhiga.com waxaa lagu canshuuray Badeeco ka baxday Dekadda, iyadoona ay iska indha tireen Booliskii ay ahayd inay qabtaan.

RW Xasan Cali Khayre oo helay Xogta Musuqmaasuqan ayaa dhowaan booqasho kadis ah ku tagay Dekadda Muqdisho, Wuxuuna Xafiiska Samoow ka soo helay Warqaddo Been Abuur oo lagu Canshuuro Badeecadaha Dekadda, Balse waxaa arrintaasi ku baxay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo Bil kasta laga siiyo Canshuurta Dekadda $3500, taasoo uu siiyo Axmad Samoow.

Wuxuuna ku badashay Jeesoow inaan la xisaabtamin Samoow in isna uu taageero Xukuumadda SAX iyo QALAD.

Si aan loo oggaan Musuqmaasuqa ka jira Dekadda waxa uu Samoow ku bixiyay Lacag dhan $15,000 in Warbaahintu u samayso Xayaysiin been iyo Barnaamijyo lagu sheegayo inuu wax qabtay, kuwaas oo qaarkood ay dhawaan baahin doonto Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Somalia.

RW Kheyre wuxuu yiri waxaan la dagaalameynaa musuqmaasuqa, wuxuuna kormeer ku tegay dekedda Muqdisho toban (10) jeer waxuuna raalli ka yahay boobka ka socda dekedda Muqdisho waa Fikirka ay qabaan Shaqaalaha Dekada Muqdisho.


Wasaaradda Maaliyadda waxay horay u sheegtay inuu kordhay Dakhliga ka soo xarooda Dowladda, Balse markii ay soo baxday Fadeexad ah inuusan warkaasi waxba ka jirin waxa uu mar kale Wasiirka Maaliyadda ka hor qirtay Baarlamaanka inuusan kordhin Dakhliga Dekadda ee uu sheegay isagoo qiiraysan laguna fara-galiyay shaqadiisa oo RW Kheyre uu Dekada arrimaheeda u daayay.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...