[Topnews] Dhaqtar muteeystay Nopel Prize oo Japan u dhashay ayaa sheegay gaajadu iney daweeyso Cuduro halisa laakiin Diinteena ayaa na fartay 1437-Sano kahor

0
Thursday May 17, 2018 - 22:42:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4469
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Dhaqtar muteeystay Nopel Prize oo Japan u dhashay ayaa sheegay gaajadu iney daweeyso Cuduro halisa laakiin Diinteena ayaa na fartay 1437-Sano kahor

    Waagacusub.com - Cilmi-baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar ku takhasusay sida uu u shaqeeyo jirka aadanuhu ayuu ku ogaaday in markuu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku keydsan Unugyada jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Cilmi-baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar ku takhasusay sida uu u shaqeeyo jirka aadanuhu ayuu ku ogaaday in markuu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku keydsan Unugyada jirka, taas oo keeneysa inuu jirku iska nadiifiyo iskana saaro Unugyada keeno Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa, Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterol-ka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah jirka.

Iscunidda jirka (Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo Sideed Saacadood xiriir ah isaga oo aan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo maalmo badan, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin inay dib usoo noolaadaan.

Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa inuu qofku is gaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-Saacadood Labo ilaa Saddex Maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeediyay inuu sidaan qofku sameeyo ugu yaraan hal bil Sanadkiiba.

Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan, waxna ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmi-baaristaan Sannadkii 2016-kii ku mudeystay Shahaadada Caalamiga ah ee Nobel Prize-ka ee dhanka Caafimaadka.

Cilmi-Baarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-Sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1437-Sano kahor, oo Tiirarka Islaamka ayayba kamid tahay inuu qofku 30-Maalmood oo xiriir ah ka Soomo Sanad kasta, Nabigeenuna Sallallaahu Calayhi Wasallam wuxuu jideeyay inuu qofku Soomo Labo Maalmood Todobaaakiiba (Isniin iyo Khamiis).

Ramadaankaani waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn, waana fursad uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo Kuleylkeeda. Ramadaankan waa fursad Caafimaad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro haya ama kusoo fool-leh.

Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo Raxmaddaada, dambi-dhaafkaada, iyo naar-ka-xoreyn.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...