[Topnews] Majeerteen oo Farmaajo weeydiistay Taliye ku xigeenkii ilaaladda Madaxtooyadda Meeyd iyo nolol inuu tuso Korneyl Nur Jareer

0
Wednesday June 13, 2018 - 06:00:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4326
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Majeerteen oo Farmaajo weeydiistay Taliye ku xigeenkii ilaaladda Madaxtooyadda Meeyd iyo nolol inuu tuso Korneyl Nur Jareer

    WAR BIXINTA.Md. Nuur Muuse Xirsi (Galaal/Nuur Jareer. Waa Sarkaal Xigeen ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, Gaar ahaa cutubka Ilaalada Madaxweyna Jamhuriyadda Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR BIXINTA.Md. Nuur Muuse Xirsi (Galaal/Nuur Jareer. Waa Sarkaal Xigeen ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, Gaar ahaa cutubka Ilaalada Madaxweyna Jamhuriyadda Soomaliya.

Nuur wuxuu muddo 12 Sanadood ah ka hawl galayay Cutubkaas wuxuuna isusoo bedeley Illaa Afar Madaxweyne iyo Shan Ra'iisul wassaare oo uu si rasmi ah ugu ahaa Ilalada Khaaska.

Nuur Wuxuu horay uga mid ahaa Xubnihii lagu assaasay Ciidanka Darawishta Puntland 1999, kadibna u wareegay Madaxtooyada Soomaliya 2004.


Loading...

Nuur wuxuu dalka gudahiisa Iyo Dibadiisaba ku qaatay illaa 7 koorso oo ah International Stafe. Wuxuuna haystaa illaa shan Shahaado iyo lix Sertifigaty.


Nuur wuxuu caan ku ahaa inuu kasoo muuqdo Baraha Bulshada, idaacadaha la iska arko iyo joornaladaba isaga oo dhinac taagan Madaxweyneyasha xilliyada ay Ku jiraan Booqashooyinka, kuna labbisan dharka Ciidanka ama dharka khaaska ah ee Ilaalada Gudaha.


Nuur oo lagu aaminay Kartidiisa, adkaysigiisa, aqoontiisa iyo Daacad nimadiisa ayaa mutaystay inuu safarada Dibbada iyo Gudahaba u raaco Madaxweyneyasha Somaliya10kii sano ee ugu dambaysay.


Haddaba Nuur wixii xiran yahay muddo sadex bilood ah, wuxuuna ku xiran yahay Muqdisho ee Sababtu Maxay tahay.


Aan su,aashaan Weydiino Generaal Cabdilahi Cali Caanood iyo Xulufada gaar ka ah ee uu kusoo aruuriyey Madaxtooyada Soomaliya.


Markii aannu su'aashaas weydiinay wuxuu Gananku nooshegay inuu karah saday Awoodda Inanka yar ee aan Ahayn Qoyska reer dalal, sidii horayba loogu karhaday, halyeeyadii Majeerteen ee ka ag-dhawaa General Maxamed Siyaad Bare sida:-


1. General Maxamud Geelle Yuusuf.


2. General Maxamed Jibriil Muuse.


3. Md Col Xassan Abshir Faarax.


4. Md Mise Awaawe Jaamac.


5. General Abdirizak Maxamud Abu Bakar.


6. Col Cabdi Madoobe.


Dhamaan xubnahaan oo lasoo shaqeeyey xukuumaddii Maxamed Siyaad ayaa sida hubaasha ah waxaa loo dhigay shirqoolo iyo gaadmoyin looga gollahaa in lagu kala fogeeyo Iyaga iyo Siyaad, musuqmasuqaas oo ay wadeen Beesha Mareexanku, hase ahaatee Maxamed Siyaad wuxuu ahaa nin yaqaana Danta Kacaankiisa.


Sidii lagu yaqaanay Geeddiga uu mareexaan ka wadeenka ka yahay in awrtiisu buubto ayna fardihiisu xarraansan yihiin, waxaa maanta hawsha Villa Soomaliya Maraysaa in inamadii loo aqoon saday waxay ksoo shaqeeyeen. Md Cumar Cabdirashid. Md Xasan Sh Maxamud. Md Shriif Shiikh Axmed lagu ugaarsado haybta ay kasoo jedan.


Nasiib Darro xariga Nuur Muuse, ayaa illaa hadda waxaa si buuxda isaga fogeeye.


1. Hay'adda Nabadsugida.


2. Hay'adda Booliska.


3. Aggaasimaha Guud ee Madaxtooyada.


4. Xeer Ilalinta Ciidamada Qalabka Sida.


Kuwaasoo horay beesha Mareexanku gaar ahaan reer Dalal ay sheegeen inay ayagu haystaa, markii taasi dhacday warkuna shaaca ka caddaaday ayaa sadex beri ka hor General Caanood isku dayay inuu u maleego shirqool dil ah, kasoo uu Nuur uga badbaaday illaa gal tillaabo oo kaliya.


Hadda ayaannu la soconaa in arintu marayso 


1. Dembi lagu waaye Ma dillaaa, ilayn ma dayn karree.


2. Wuxuu ku fiicnaan lahaa oo nagu anfici lahaa Assaga oo aan harti iyo Majeerteen ahayn ee Ilko yar ah.


3. Kama maarano muuqaalkiisuna waa na dhibayaaa.


4. Afar ardaal oo aan ina ayahooda aqaan ayaa iiga fiican Aqoonta Nuur.


Gebo gebo.


1. Waxaanu si dhaw ula socon doonnaa dhaqdhaqaqa General Caanood iyo Kooxdiisa aragtida ciriiriga ah qabta ee Dalalaysan.


2. Waxaanu Madaxweynaha Soomaliya ka dalbanaynaa Haddii uu dilayna inuu noo keeno maydkiisa haddii uu nool yahayna Naloo keeno ruuxiisa.


3. Garsoorka Qaranka, Garsoorka Ciidamada, Hay'adaha Baarista, Xeer Ilalinta Ciidamada Qalabka Sida, Ururrada Garyaqaanada waxaan ka codsanaynaa inay Dhacadaas isha ku hayaan.

4. Difaacayaasha Xuquuuqda Aadanaha waxaan ka dalbanaynaa inay xiriir la sameeyaan cid kasta oo arintaaa warbixin kasiin karta.

4. Bulsho weynta Soomaliyeed waxaanu xasuusinaynaa in Filla Somaliya lagu wado meel qoys isugu haro oo laga tinsiibayo illaaa saraakiil xigenadii.


FG. Wixii faah fahin intaas dher iyo Caddaymaha aannu hayno waxanu la wadagi doona IDAACADAHA MADAX BANNAAN.


BY. Abdirizak Ismail Hasan Darwish.


Caa'ilada

Dhibbane

Nuur Muuse Xirsi.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...