Baarlamaanka Ethiopia oo maanta ceeb dhex joojiyey xukuumadda R/W Kheyre

0
Thursday July 05, 2018 - 14:26:26 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ethiopia oo maanta ceeb dhex joojiyey xukuumadda R/W Kheyre

    Baarlamaanka Ethiopia oo maanta ceeb dhex joojiyey xukuumadda R/W Kheyre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Ethiopia oo maanta ceeb dhex joojiyey xukuumadda R/W Kheyre

Kulan ay maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii maanta ka dambeeya aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7.

Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo.

Haddaba go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uu qaatay ayaa ceyb weyn ku ah Xukuumadda xasan Cali Kheyre oo iyada horey Ururkaan ugu dartay Liiska Argagixisada kadib markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax.

 

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan yeeshay markii Qalbi Dhagax loo dhibay isla markaasna ay cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay ayaa tilmaamay in Qalbi Dhagax iyo ONLF ay dhibaato ku yihiin amniga labada dal.

Waxaa Macquul ah in go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uu qaatay ujeedkiisa uu yahay in lagu fadeexeeyo Golaha Wasiirada Xasan Cali Kheyre isla markaasna dhex laga istaajiyo xiisad cusub oo siyaasadeed.

 

Ceebta Xukuumadda heysato ayaa ah inay Argagixiso ku tilmaamtay urur Soomaaliyeed isla markaasna ay maanta dowlad cadow ku ah Soomaaliya ay go’aansato inuusan ururkaan aheyn argagixiso.

Ma jirto go’aan u furan xukuuamadda Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inay arrintaan ku keento cadaadis cusub oo kaga imaanayo mucaaradka dowladda oo iyagu ah mar kasta jaanis gaad.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada 6 September 2017.

 

Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen arrimahan:

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.

2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan "In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.

5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.

6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

 

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.




Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...