War deg deg ahDowladda Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Soomaaliya

0
Tuesday July 10, 2018 - 15:56:52 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ahDowladda Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Soomaaliya

    Dowladda Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Soomaaliya
Dowladda Mareykanka Oo Dadkeeda Uga Digtay Iney U Safraan Soomaaliya
...................................................................................................
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socoto Muwaadiniinta American-ka ah ee doonaya inay u safraan wadanka Soomaaliya, iyagoona sheegay in ay jirto halis xoogan oo ka jirta dhammaan gobolada Koonfur, Bari iyo Woqooyiga Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wazaarada, laguna daabacay website-keeda Rasmiga ah ayay digniintan ugu direen Muwaadiniintooda, balse Markaan xaalku waa ka duwanaa digniinadii hore oo heerkiisa waxa uu gaarsiisan yahay Dhiinjar ama Casaan.

Loading...

Wazaarada Ayaa amar buuxa ku siisay muwaadiniinta Mareykanka ah inaysan u safrin Somalia, waxa ayna sheegeen in wadankan ay ka jirto khataro dhowr ah oo isugu jira weeraro ay ku sheegeen Argagixisanimo, Burcad Baddeednimo, Afduub iyo falal kale oo dhowr ah, waxa ayna tilmaantay inay helayaan xogo sheegaya inay jiraan qorsheyaal dilal iyo afduub isugu jira oo ka dhan ah Muwaadiniinta Americanka ah ee ku sugan Soomaaliya.

Muwaadiniinta American-ka ah ayaa lagu yiri, waxaa suurta gal ah in Argagixisadu ay beegsadaan Garoomada, Dekedaha, dhismayaasha dowlada, Hoteelada, iyo xarumaha ay degan yihiin dadka reer galbeedka ah, sidoo kalena waxaa suura gal ah inay beegsadaan Gaadidka ay ku socdaalaan dadka madaxda ah, Ciidanka Militariga dowladda, kuwa Amisom iyo Kolonyo kasta oo ay la socdaan dadka reer galbeedka ah, sidaa darted waa in aydaan u safrina Soomaaliya.

Qoraalka oo ahaa mid dheer ayaa sidoo kale lagu Yiri, Burcad Badeeda Somalida dib ayay usoo noolaadeen waxa ayna ka howl galaan biyaha Somalia iyo Biyaha caalamiga ah ee kuxeeran, sidaa darteed waa inaad ka fogaataan Safaro badda ah oo Somalia Baddeeda aad ku mareysaan.

Sidoo kale qoraalkan ayey Wazaarada ugu baaqday muwaadiniinta American-ka ah inaysan ku safrin diyaaradaha Shacabka ee u safraya gudaha Somalia iyo wadamada ku xeeran, sababtana waxa ay ku sheegeen inay jiraan Khataro kale oo arinkaa ka dhalan kara, waxa uuna warkan imaanaya xilli waaxda duulimaadka Mareykanka ay horey usoo saareen bayaan ay digniin ugu dirayaan muwaadiniintooda doonaya inay u socdaalaan Soomaaliya.

Wazaarada ayaa sheegtay In Americanku aysan awood badan u lahayn inay gurmad degdeg ah u fidiyaan Muwaadiniintooda ku sugan Somalia, Sababo la xiriir Mareykanka oo aan Qunsilayad joogta ah ku lahayn dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyn wazaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda siisay talooyin dhowr ah, hadii ay lagama maarmaan noqoto inay u safraan Somalia, si amaankooda looga war qabo, waxaana ugu muhiimsanaa talooyinka la siiyey in qof kastaa uu iska diiwaan galiyo xafiiska wazaarada Arimaha dibada si dhaqdhaqaqiisa loola socdo, uuna qaato saacad ama mobile ay ku rakiban yihiin qalab lamid ah GPS-ka oo lagu ogaan karo halka uu kusugan yahay xili kasta.

Inuu iska hubiyo cida uu ku aaminayo Naftiisa iyo hantidiisa, si joogta ahna uu ula socdo isbadalada ku saabsan xaaladaha ka jiro Somalia, si uu kaga fogaado goobaha ay halista badani ka jirto isagoo la soconaya Website-ka wasaaradda.

Iyo in uu ka tago wax kasta oo xaddidi kara shakhsiyadiisa sida Passaporka, ID-kaarada, warqadaha aqoonsiga jaamacadaha iyo wixii lamid ah, iyo in xiriir tooos ah uu lasameeyo Safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo hey’adaha sirdoonka sida FBI iyo CIA.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli Mujaahidiinta AlShabaab ay kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye duulaanka ah ee ku sugan Wadanka Muslimka ah ee Somalia sidoo kalena waxaa dhawaan Magaalada Muqdisho laga afduubtay haweeney u dhalatay wadanka Jarmalka oo u shaqeyneysay Hey’ada ICRC, taas oo ilaa hadda aan la ogeyn cida afdubatay iyo halka ay ku danbeyso intaba.

Sidoo kale waxa ay kusoo aadeysa xilli Bishii June ee aan soo dhaafnay dowlada Ingiriiska ay sidaan oo kale muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somalia , sidoo kalena ay ka dalbatay kuwa ku sugan inay si degdeg ah uga soo baxaan, sababo ku aadan cabsi xoogan oo laga qabo weeraro ka dhan ah muwaadiniinteeda oo ka dhaca wadanka Somalia.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...