[Topnews:-] Guuxa weyn ee Reer Muqdisho iyo halista.
1. Yaa dani ugu jirtaa in la dudumiyo Xaafada Tarabuunka, Zoone K, Dhulalka saran Wadada Warshadaha, Jardiinooyinka wadada wadnaha, beerta Nabada SYL, Dabaqyada kasoo horjeeda naasa hablood1, Hotel Afric, Afasooni, Liido, Xaafada Cuuryaamiintii hore ee Xarunta Xisbiga. iyo Meelo kale??
2. Yaa dani ugu jirtaa in la baa'biyo heshiisyadii iyo Sabarliogooyinkii Dawladihii hore, dibna loo naadiyo Dhulka marka la baneeyo kadib, sida Duqa Muqdisho qiil uga dhigay Duduminta??
3. Yaa dani ugu jirtaa weerarka Ganacsi ee ka bilowday Aadan Cade Airport, shirkadaha Diyaaradaha iyo Meheradaha ganacsi ee Gudaha Garoonka, kuna wajahan Shirkadaha Korontada, Biyaha, isgaarsiinta, Bangiyada iyo Xawaalada??
4. Yaa kusoo Kordhay Magaalada Muqdisho oo ka danbeeya Baabi'inta Heshiisyda iyo Weerarka cusub ee Dhaqaalaha iyo Dhukal Muqdisho??
5. Maxaa Eng. Yariisow ku kalifaya inuu diido Heshiisyadii iyo Docoments-kii Dowladii uu Wasiirka ka ahaa, Dowladuse maxey uga aamusantahay??
6. Goofihii Kacaanku boobay iyo Booli Qaran Docoment-ga loo heysto xalaal miyaa?? inta ka danbeysana ??
7. Dhulkii Gobolada Dowladu ku laheyd, Xaruumihii Ciidamada, Xafiisyadii iyo Adeegyada guud. lana ogahay in shacab daganyihiin, Xisaabta ma kujiraa??
Akhriste, Su'aalahan la wadaag asaxaabta kale, Xalkana aan wada raadino si wadajira insha Allah.
[Topnews:-] Guuxa weyn ee Reer Muqdisho iyo halista.
Waagacusub.com - Waa qoraal ku saabsan Guuxa Dadka Muqdisho ee maalmahan, waxaana ku bilaabi doonaa Su'aalaha ay is weydiinayeen, jawaabna ay u heleen, kana foojiganyihiin dhamaan qeybaha Bulshada, ayey doonayaan iney la wadaagaan Dhamaan umada