[Soomaaliya cidi uma maqna ceelna uma qodna]! Yaa maamula Villa Somalia? kaalinta Sirdoonka Qadar iyo Jaajuusnimada Fahad Yasin!

0
Wednesday July 18, 2018 - 09:14:15 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Soomaaliya cidi uma maqna ceelna uma qodna]! Yaa maamula Villa Somalia? kaalinta Sirdoonka Qadar iyo Jaajuusnimada Fahad Yasin!

    Waagacusub.com-Waxaa nasiibdaro ah in Madaxda Qaranka noqdeen kuwa u kireeysan ama u garba duuban dana shisheeye iyo sirdoon Ajnabi ah: Madaxweynaha, R/wasaraaha & Gudoonka Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com-Waxaa nasiibdaro ah in Madaxda Qaranka noqdeen kuwa u kireeysan ama u garba duuban dana shisheeye iyo sirdoon Ajnabi ah: Madaxweynaha, R/wasaraaha & Gudoonka Baarlamaanka.

Waxaa xaqiiq ah in Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Khayre ku shaqeeyaan Amarka  iyo fariimaha u umariyo Whatsapp Fahad Yaasin oo ah Jaajuus ka tirsan Sirdoonka  Qatar.

Waa maxay sababta Xukuumadda Kheyre u joojisey Howlgallada ka dhanka alshabaab loona furi la'yahay Wadooyinka halbowlaha ah ee isku xira Gobollada Dalka iyo Caasimadda Moqdisho?.

Maadama Sirdoonka Dalka Qatar iyo Fahad Yasin  aysan marna raalli ka aheyn la dagallaanka Al shabaab  waxaa sii xoogestay  dhaq dhaqaaqa iyo weerarada ay shabaabka ka fuliyaan Xarumaha Muhiimka ah  ee hey'adaha Fedaraalka Soomaaliya
.
Loading...


Iyadoo Xukumadda Kheyre Culeyska ugu weyn saartay Shacabka ku nool Magaaalada Muqdisho, loona diiday in ay isku socdaan lagana xiray wadoooyinka Magaalada taas oo aay u dheer tahay in Ciidamo gaar loo sameestay lagu daadshay wadooyinka kuwaas oo si Arxan daro ah ula dhaqmo dadka shacabka ah.

Golaha Shacabka  oo ah Hey,ayada ka wakiilka- ah Shacabka Soomaaliyeed, lagana sugayay in ay u istaagaan u adeegida sareynta sharciga iyo danaha Qaranka waxaa laga xirtay albaabkii shaqada Qaranka maadama Guddoonka uu noqday mid ay maamusho Xukumadda taas oo suurtagal ka dhigtay xaqiida aan la iska indha tirikarin oo ah in xukumaddu si indha la,aan ah ugu tomato dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka u dagsan iyadoo wax baqdin ah ka qabin in wax isla-xisaabtam ah kala kulanto dhanka Baarlamanaanka.

Guddoonka Baarlamaanka waxaa Maamulo Fahad Yasin oo u maraayo Cabdiweli Ibraahim Muudey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka  oo ay isku jufo hoose yahiin Fahad Yasin  isaga oo ugu dhiiba mararka uu doonayo in uu laalusho Xildhibaanada qaar kamid ah lacagta kaashka ah ee uu ka helo  Sirdoonka Qatar.

Sababta ugu weyn ee Golaha Shacabka loo cuuryaamiyay ayaa ah iyadoo laga baqayo in uu Baarlamaanka la yimaado la xisaabtanka Xukumadda taas oo R/wasaare Kheyre iyo Fahad Yasin ka cabsi qabaan in ay ka dhalan karto in Xukumadda Kheyre ku weyso Kalsoonida Golaha Shacabka.

Taasi waa sababta ku kallifeysa R/wasaare Kheyre in uu cadaadis iyo jid-gooyo dul dhigo shacabka ku nool Gobolka Banaadir. Jid-gooyada, Ciidanka aan sharciga aheyn ee uu sameystey iyo xirnaanshaha iyo Curyaaminta shaqada Golaha Shacabka wuxuu uga faa'ideysanayaa R/waasare Kheyre in ay ciriiri gasho dhaqdhaqaaqa Xildhibaanada Baarlamanka, Siyaasiyiinta wax falanqeeya iyo Dadka u dooda xuquuqda Bulshada si aaney u suuroobin in lala  xisasbtamo xukuumaddiisa xad-gudub kasta ha geysatee. (Waa ayaan daro danaha umadda Soomaaliyeed ku hor gudban)

Maxaa la gudboon Shacabka Soomaaliyeed,  Maadama dano shisheeye iyo Dowlado ajnabiya loo gacan galiyay Taladii Soomaaliya, ? waa su,aal jawaabteeda u taallo muwadiin walba ee Soomaaliyeed,

Golaha Shacabka waxaa la gudboon in aay fahmaan  dhagarta kuwa galaya khiyaamada Qaran una istaagan la xisaabtanka iyo wax ka qabashada xaaladahan foosho xun ee aan la daawan karin islamarkaasna marna aysan ogaalanin in loo adeego dano shisheeye lana dayaco danaha Qaranka Soomaaliyeed.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...