Madaxii Shirkadda Startup Grind Oo lagu dilay Muqdisho

0
Thursday August 02, 2018 - 14:28:03 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Shirkadda Startup Grind Oo lagu dilay Muqdisho

    Madixii Shirkadda Startup Grind Oo Maanta Lagu Dilay Magaalladda Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madixii Shirkadda Startup Grind Oo Maanta Lagu Dilay Magaalladda Muqdisho

Madaxa Shirkaddaasi, Maxamed Maxamuud Sheekh Cali  "Dable Pilot”  ayaa waxaa  ay maanta kooxo hubeysan ku dileen Barxadda Baarka Spaghetti House oo ku yaalla meel ku dhow Isbitaalka Banaadir ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal la hadlay Waagacusub Media  ayaa sheegay in ay kooxo hubeysan rasaas huwiyeen Marxuumkaasi, xilli uu gaarigiisa dhigan lahaa Barxadda la dhigta Gawaarida ee Spaghetti House.

Wararku waxay sheegayaan in Maxamed Maxamuud Sheekh Cali Dable Pilot rasaastu ka haleeshay Caloosha, isla markaana uu u geeriyooday dhaawacaasi.

Allaha U Naxariistee Maxamed Maxamuud Sheekh Cali Dable Pilot waxa uu Madax ka ahaa Shirkadda  Dhallinyaradda ku dhiiri-gelisa Hawlaha Ganacsiga, wuxuuna ahaa Ganacsadihii ugu horreeyey ee magaalladda Muqdisho ka hirgeliya Goobaha Landariga ee sida casriga ah loogu dhaqo Dharka, gaar ahaan Jaakadaha (Laundry)


Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...