[Dagaal] ka socda Muqdisho iyo jugta qaraxyo oo la maqlay

0
Saturday September 08, 2018 - 22:31:06 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dagaal] ka socda Muqdisho iyo jugta qaraxyo oo la maqlay

    Dagaal Hadda ka socda magaalada Muqdisho iyo jugta qaraxyo oo la maqlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Hadda ka socda magaalada Muqdisho iyo jugta qaraxyo oo la maqlay WAAGACUSUB.COM War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu dagaal xoogan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Loading...

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay halka loo yaqaan Shaleemo Cabdi waayeel oo ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banadir.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo Kooxo hubeysnaa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka oo ahaa mid markiisa hore lagu qaaday ciidamada ayaa waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la maqlaayay jugta bamgacmeedyo ay tuurayeen Kooxaha hubeysnaa ee weerarka qaaday.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa dagaalkooda ku bilaawday Qaraxyo ka dhashay Bamgacmeedyo, waxaana xigay rasaas xoogan oo labada dhinac u dhexeysay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka kadib ay arkayeen Meydadka Seddex ruux oo laba kamid ah ay ahaayen Maleeshiyaadka weerarka qaaday, halka kan Seddexaad uu ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada.

Dagaalka ayaa kusoo beegmaya xili inta badan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah xiliyada habbeenkii ku qaadan fariisimaha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin degmada Heliwaa.


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...