[Sirculus:] Beenta taliyaha Boliiska Ethiopia iyo Sababta loo jirdilay `Madaxweyne Cabdi iley .

0
Friday September 14, 2018 - 09:30:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6930
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus:] Beenta taliyaha Boliiska Ethiopia iyo Sababta loo jirdilay `Madaxweyne Cabdi iley .

    Ciidanka Oromadda ayaa si xun Xabsiga ugu jirdilay Madaxweynahii hore ee dowlad degaanka Somali Galbeed Abdi Mohamud Omar xilli ay la joogeen hooyadiis dhashay Hooy deeb,Marwadiisa `Sadiiqa iyo walaashiis Suleekha sida ay Warbaahinta madaxabanaan u s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Oromadda ayaa si xun Xabsiga ugu jirdilay Madaxweynahii hore ee dowlad degaanka Somali Galbeed Abdi Mohamud Omar xilli ay la joogeen hooyadiis dhashay Hooy deeb,Marwadiisa `Sadiiqa iyo walaashiis Suleekha sida ay Warbaahinta madaxabanaan u sheegeen.

Baaris Waagacusub Media ay sameeysay ayey ku xaqiijisay in si naxariis daran loo jirdilay Abdi Mohamud Omar oo koomo ku jira tan 10-kii September 2018.

Inkastoo Saraakiisha Ciidanka ee u dhashay Tigreega iyo Amxaaradda la yaabeen sababta Askarta Oromadda ugu bareereen iney ehelkiisa ku hor jirdilaan haddana maalintaas ka hor laba habeen ayaa biyo aad u qaboow la dhexgelshay Madaxweyne `Abdi Mohamud Omar iyadoo Saraakiil `Oromo ah ay ku qasbayeen inuu marqaati fur beena ku sameeyo Jeneral Tigree u dhashay oo magaciisa lagu sheegay Jeneral Abraham.

Abdi Mohamud Omar oo 14 September 2018 la horgeeyn doono Maxkamad ku taal Addis Ababa looma heeysto inuu laayey dad Somalia ama xabsiga jeel Ogaadeen ku jirdilay laakiin waxaa loo heeystaa inuu abaabulay dhalinyaro gubtay kaniisad ku taal Jigjiga oo ay joogeen baadariyiin u dhashay Oromo, iyadoo rabshadihii lagu gubay kaniisadaas ku dhinteen afar ka tirsan masiixiyiintii joogay kaniisadda.

Xukumadda Abiy Ahmed ayaa baadariyayaasha kaniisadda la gubay weeydiistay iney marqaati beena ku furaan Abdi Mohamud Omar iyagoo dusha ka saaraa inuu ka dambeeyay gubitaanka kaniisadda hasse yeeshee waa diideen baadariyaddii, waxeeyna sheegeen iney yihiin dad Diin leh sidaas darteedna ay ka reeban tahay iney ku been abuurtaan qof aan dimbi ka gelin.

Baadiriyiintu waxeey sheegeen inuu Abdi Mohamud Omar u roonaay oo lacag siin jiray xilliyadda Ciidahooda, isagoo booqan jiray xilli kasta si la mida booqashadiisa Ciidaha muslimiinta iyo culumadda islaamka ee Jigjiga ku nool.

Sikastaba ha ahaatee, Taliyaha Boliiska Federalka Ethiopia Jeneral Zeynu Jemal ayaa beeniyay in si xun loo jirdilay Madaxweyne Abdi Mohamud Omar laakiin hadalkiisa waa been xaqiiqadda ka fog. sida ay ku doodeen Saraakiisha Sirdoonka `Ethiopia ee u dhashay Amxaaradda kuwaas oo aad uga xun falalka ay ku kacayaan madaxda Oromadda oo aaminsan iney dilaan, xiraan qofkasta oo ka hor timaada damacooda ku saleeysan iney Ethiopia ka dhigaan dhul Oromo.

Top Secret: Ethiopia police commissioner lied about the torture of president Abdi Iley

Sunatimes.com - Orommo soldiers have tortured former Somali region in Ethiopia president Abdi Mohamud Omar inside the jail, while his mother, Mrs Deeb, and his wife Sadikaa were with him, independent media reported.

Investigation carried out Waagacusub media confirmed that Mr Abdi Mohamud was tortured badly and he is now in a coma, ever since 10 September.

Even though military officials from Tigray and Amhara communities flabbergasted about the reason Orommo soldiers dared to torture him in front of his close family members, two nights before that day, the former president was dipped into very cold water.  The reason was to make false testimony against a General from Tigray community whose name is General Abraham.

Abdi Mohamud Omar will appear a court in Addis Ababa on 14 September 2018.  He is not charged to have tortured Somalis inside Jail Ogaden, but was charged that he organized burning a church in Jigjiga while Orommo bishops were inside the church, and four Christians have died as a result of that action.

Abiy Ahmed’s government asked church bishops to testify falsely against Abdi Mohamud, but they refused, and said that their faith doesn’t allow to make such fabrications.

They added that Abdi was kind to them and used to give them money during their festive seasons.  They said he was paying visits, just like the way he visited muslims in Jigjiga.

Ethiopia Police commissioner General Zeynu Jemal denied that Abdi Mohamud was tortured badly, but that is utter lie, according Amhara officials who dislike the behaviour of the Orommia bosses who believe anyone against their ambition to claim entire Ethiopia to be killed or arrested.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...