Xogihii Hay.ada NISA oo gabi ahaanba Loo gacan galiyay kooxda Al-Shabaab

0
Monday September 24, 2018 - 15:59:32 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xogihii Hay.ada NISA oo gabi ahaanba Loo gacan galiyay kooxda Al-Shabaab

    Xogihii Hay.ada NISA oo gabi ahaanba Loo gacan galiyay kooxda Al-Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogihii Hay.ada NISA oo gabi ahaanba Loo gacan galiyay kooxda Al-Shabaab

Waagacusub.com Xog muhiima oo lasoo ogaadey iyo sababta loo diley gabadhii jaamacada lagu dhex diley marxuumad Aamino iyo Xariga Dr Gacal 


waxaa lasoo ogaadey iney ka mid aheyd dad fara badan oo la shaqeyn jirey ciidankii nabadsugida qaasatan dadkii la shaqeynayey Cabdala cabdala kuwaasoo la helay xogtooda iyo telefanadooda ka dib markii la jabsadey xafiiskii xogta NISA

ee cabdala cabdala kadib loo gudbiyey ragii argagixisada ahaa sidaasna loo daba galey 

waxaa jiri doona dhamaan dadkaas in. ay mari doonaan halka marxuumad Aamino martey

waana arin cabsidii iyo shakigii hore aad u kaabeysa 


Loading...


HADABA QOF walba oo ka mid ahaa ila wareedyadii shaqeyn jirey waa fashiI

waxba lacaga kuma rabo warkaan balse waxaan u qarin waayay in aan laqarin Karin waxa soo socda iyo meesha lagu dhacay WAA very danger team dalkaanu waana gacan galey ee bal ogoow oo tasho waad is ogtahee alow ma sheegay xogtaan qatarta xambaarsan dhana uma fiyooba DAD iyo dalba


DHINACA KALE 


Waxaa gaarigiisa Bom lagu xiray Dhaqtarkii guud ee hay ada NISA Dr GACAL balse nasiib wanaag wuxuu ka badbaaday Dr Qaraxii loogu xiray Gaarigiisa waxana abaal looga dhigay Xabsi


Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa xariga taliyaha hoggaanka caafimaadka NISA, oo ay ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay habeenkii sabtida kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.


Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii sabtidii  uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.


Ilo-wareedyo lagu kaslsoon yahay ayaa Warbaahinta Waagacusub Media u sheegay in xariga Gacal uu qeyb ka yahay khilaafka xooggan ee ka dhex jira hay’adda iyo tuhunka ku saabsan in xubno badan oo Shabaab ah ay ku dhex jiraan hay’adda, sida uu horey u sheegay taliye ku xigeenkii NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla


Gacal ayaa dhowr toddobaad un ka hor lasii daayey markii sidan oo kale loo xiray, isaga oo aan wax eedeyn ah loo jeedin, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu hayey xog badan oo ku saabsan xubnaha Shabaab ee NISA ay xirto iyo sida fudud ee durba lagu sii daayo, iyo sidoo kale xubnaha ku dhex jira hay’adda.


Xarigiisa ayaa dad ku dhow rumeysan yahay inuu ku lug leeyahay xogta badan ee uu hayo. "Gacal waxaa la isku dayey in la aamusiyo, kadib markii la qarxiyey baabuurkiisa, markii uu ka bad-baadayna waa la xiray si uusan cidna ula hadal” ayuu yiri qof ku dhow oo codsaday inaan la magacaabin


Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda.


Ehlada Gacal ayaa sheegay in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey. Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeya.


Waxaa cad qof walbo ka mid ahaa Ciidamada Sirta qaranka Somaliyeed in xogtoodii gacanta loo galiyay kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab 


Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa Moqdisho lagu dilay in ka badan 15 ruux oo ka mid ahaa Ciidamada loo yaqaan dhar cadka Somalia kuwaaso xogaha kooxaha wax qarbuda la wadaagi jiray Hay.ada NISA 


Ali Aadan Hashi 

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...