[Topnews:-] Waxqabadka iyo fashilka Madaxweyne Cagjar - Amaan iyo dhaliil ?

0
Tuesday October 02, 2018 - 09:51:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5127
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Waxqabadka iyo fashilka Madaxweyne Cagjar - Amaan iyo dhaliil ?

    Waagacusub.com - Tan iyo markii Mustafa Cagjar loo magacaabay ku simaha Madaxweynaha Somali Galbeed wuxuu qaaday tilaabooyin muhiima oo Somalida ku amaantay iyo kuwa lala yaabay oo fudeed iyo Aargoosi xambaarsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Tan iyo markii Mustafa Cagjar loo magacaabay ku simaha Madaxweynaha Somali Galbeed wuxuu qaaday tilaabooyin muhiima oo Somalida ku amaantay iyo kuwa lala yaabay oo fudeed iyo Aargoosi xambaarsan.

1- Wuxuu bedelay Calankii Dowlad degaanka Somalida ee hasha haruudka lahaa, wuxuuna ku bedelay calan ay ka soo dhex muuqato astaanta Calanka shanta xidig ee Somalia .

2- Wuxuu shaaciyay iney Jimcaha tahay maalin fasaxa oo xafiisyadda Dowladda xiran yihiin si shaqaalaha Dowladda u cibaadeeystaan.

3- Wuxuu sheegay inuu fasaxay xoriyadda hadalka iyo madaxbanaanida ganacsiga xorta ah.

4- Wuxuu albaabadda u laabay xabsigii Jeel Ogaadeen, isagoo ka sii daayey Maxaabiis isugu jirtay kuwa siyaasad u xiran iyo gacan ku dhiigleyaal aysan Dowladda cafin karin.

Afartaas qodob , seddex ka mida shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu farxay laakiin Xukumadda dhexe ee Federalka Ethiopia laba ka mida aad ayey uga carootay kuwaas oo kala ah , astaanta Calanka Somalia la dhexgelshay iyo fasaxa jimcaha.

Mustafa Cagjar oo horey Warbaahinta ugu sheegay inuu Madaxweyne Cabdi iley dilay walaalkiis la dhashay , waxeey dad badan ka sugayeen inuu meel iska dhigo CIIL QAB IYO FALAL AARGOOSIYA , taasina laftiisa wuxuu u ballanqaaday masuuliyiintii la shaqeeynaayey Cabdi Maxamuud Cumar laakiin hankii loo qabay ayaa marqura jabay kadib markii uu ku dhiiraday falal guracan oo aan laga fileeyn,isagoo maalmo kooban uga laabtay ballanqaadkiisa ahaay ilaalinta xoriyatul qoowlka:-

1- Gollahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyeyaasha goboladda oo dhan wuxuu ku safay shaqsiyaad ka tirsan urur diimeedka Al-Islaax ,Al Itixaad, oo isaga ka mid yahay. shaqsiyaadka uu Wasiiradda siiyay waxaa ka mida labo nin oo AL ISLAAXA oo ka shaqeeynaayey hay’ad uu madax u yahay walaalkiis Mohamed Cagjar taas oo fadhigeedu yahay ADDIS ABABA.

2-Wuxuu Warbaahinta ka soo muuqday isagoo careeysan oo u hanjabaya taageerayaasha iyo ganacsatadda la qabiila Madaxweynaha xiran ee kursigiisa uu fariistay Mr Cabdi Maxamuud Cumar oo 12 sano soo maamulaayey degaanka Somalida.

3- Wuxuu xilalkii ka qaaday dhamaan masuuliyiintii ay isku qabiilka hoose ahaayeen Cabdi iley, wuxuu xiray taageerayaashiisii, wuxuu xiray Shirkadihii ganacsiga ee dadka la ehelka ah ama la saaxiibkaa Cabdi iley lahaayeen, wuxuu dadkii danyarta ee Cabdi iley deeymaha siiyay ku amray iney 7 maalmood gudahood ku soo celiyaan, wuxuu amray in shaqaalaha dowlad degaanka guud ahaan la kala diro laakiin waa lagu diiday, wuxuu sidoo kale Tv-gii afka maamulka Somali Galbeed ka dhigay mid laga caayo madaxdii isaga ka horeeysay taas oo ka baxsan diblomaasiyadda.

4- Wuxuu xilalkii mashaariicda iyo Madaxtooyadda ku tixay dad u dhashay qabiilkiisa reer Isaaq ,halka uu isaga Cabdi iley ku eedeeyn jiray inuu qabiilkiisa reer `Cabdille xilalkii iyo qandaraasyadii degaanka siiyay.

5- Wuxuu masuuliyiintii la shaqeeyneysay Cabdi iley sida Axmed ilkacase, Khadar dheere iyo Sucaad uga baxay ballantii ay la galeen ee aheyd inuusan beegsi qabiil iyo Aargoosi ku sameeyn doonin eheladda ,saraakiisha ciidanka,siyaasiyiinta iyo ganacsatadda la qabiilkaa Cabdi iley.

6- Wuxuu amray in dhamaan la soo celiyo dhulkii uu bixiyay maamulkii Cabdi iley iyo qandaraasyadii horumarinta degaanka taas oo ku abuurtay xiisado siyaasadeed.

7- Wuxuu amray in Xabsiyadda laga sii daayo maxaabiistii u xirneeyd dilalka laakiin awoodihiisa ama awoodaha madaxda dowladaha ka mid maaha iney cafin karaan dimbiilayaal ay cadahay iney gacan ku dhiigleyaal yihiin. maxaa yeelay cafinta waxaa leh dadkii laga dilay qofka.

Sikastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cagjar oo ah ku sime aanan ka tirsaneeyn gollaha dhexe wuxuu ku dhiiraday tilaabooyin fudeed iyo fashil loogu doowgalay ,waxaana muuqata inuu yahay nin u ciil qaba aargoosi ,halkii dad badan filayeen inuu ka faa’iideeysan doono fursadaan la rumeeysan yahay ineysan dib dambe u soo mari doonin .

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...