[Sirculus:] Ethiopia oo ogaatay iney hal Urur diimeed yihiin Madaxweyne Cagjar iyo Gollahiisa Wasiiradda.

0
Wednesday October 03, 2018 - 00:10:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5709
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 10 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus:] Ethiopia oo ogaatay iney hal Urur diimeed yihiin Madaxweyne Cagjar iyo Gollahiisa Wasiiradda.

    Saraakiisha Sirdoonka Federalka Ethiopia ayaa ogaaday in Madaxweyne Cagjar iyo dhamaan Wasiiradda uu magacaabay ay ka wada tirsan yihiin Urur diimeedka Al-Islaax Al-Itixaad. taas oo markiiba ku noqotay la yaab iyo fajac sida uu Waagacusub u sheegay S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Sirdoonka Federalka Ethiopia ayaa ogaaday in Madaxweyne Cagjar iyo dhamaan Wasiiradda uu magacaabay ay ka wada tirsan yihiin Urur diimeedka Al-Islaax Al-Itixaad. taas oo markiiba ku noqotay la yaab iyo fajac sida uu Waagacusub u sheegay Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Ethiopia.

"Security Council of Ethiopia ayaa shir degdega oo ay yeesheen ka soo saaray go’aano adag oo ku saabsan sida xukunka Somali Galbeed u qabsadeen Urur diimeedka Al-Islaax, waxeeyna warqad u qoreen Madaxweyne Mustafa Cagjar oo markiiba uga jawaabay hanjabaad uu soo dhigay bartiisa Facebook” Ayuu yiri Taliye ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Federalka Ethiopia oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Madaxweyne Cagjar oo sida muuqata soo saaraya qoraalo fudeed iyo hanjabaad xambaarsan wuxuu boggiisa Facebook ku daabacay hanjabaad uu ku sheegay iney qaadi doonaan dagaal cir iyo dhul ah haddii lagu xadgudbo.

Inkastoo dadku leeyihiin Mustafa Cagjar wuxuu ku fashilmay degdeg badan oo ka muuqda amaradiisa cusub haddana hanjabaada uu soo dhigay bartiisa Facebook  ayaa muujisay sida uu uga gubtay eedeeynta Dowladda federalka uga timid ee ku saabsan inuu dhamaan golahiisa Wasiiradda ka dhigay dad ka tirsan Urur diimeedka Al-Islaax .


Loading...

Sikastaba ha ahaatee, wuxuu Mustafa soo dhigay qoraalkaan hanjabaad qaawana.,wuxuuna u qoray sidaan” Dib dambe shacabkayagga looguma ugaadhsan doono diintooda. Kuwii 27kii sano ee u dambeeysay shaambadeeynta dadka iimaanka iyo caqiidada leh ku aflaxay maantana isla tii miciin moodaya ha isu diyaariyaan dagaal cir iyo dhul ah. Waa waajib inaan difaacno xorriyadda iyo karaamada dadkayaga la duleeystay ee aan wali ka soo kaban dharbaaxooyinkii guumaysigii ba’naa ee ay soo mareen”.

By Dahir Alasow

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...