[Topnews:-] Faarax Macalin oo dirqi uga baxsaday Sirdoonka Ethiopia oo Jigjiga ka qaban rabay ?

0
Thursday October 04, 2018 - 09:58:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8596
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Faarax Macalin oo dirqi uga baxsaday Sirdoonka Ethiopia oo Jigjiga ka qaban rabay ?

    Waagacusub.com - Saraakiisha amaanka Dowladda Federalka Ethiopia ayaa caro iyo madax xanuun ka qaaday kadib markii ay ogaadeen inuu Faarax Macalin ka degay Addis Ababa kadibna Jigjiga uga gudbay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiisha amaanka Dowladda Federalka Ethiopia ayaa caro iyo madax xanuun ka qaaday kadib markii ay ogaadeen inuu Faarax Macalin ka degay Addis Ababa kadibna Jigjiga uga gudbay.
Saraakiisha Sirdoonka ayaa isku hoowlay iney Faarax Macalin ka qabtaan Jigjiga laakiin nasiibdaro waa ku guuldareeysteen kadib markii Baabuur lagu geeyay Togwajaale isagoo habeenimo uga gudbay dhinaca Somaliland.
Federalka Ethiopia ayaa ka carooday inuu Mustafa Cagjar geeyay Jigjiga siyaasiga sida weyn u neceb Ethiopia ee reer Kenya laakiin waxeey markii dambe Ogaadeen inuu Faarax keenay laba ka mida hogaanka Ciidamadda Somali Galbeed oo ay isku yihiin qabiilka Cowlyahan Ogaadeen.
Siyaasi Faarax Macalin ayaa la weeydiiyay waxeey saaxiibo ku yihiin ku simaha Madaxweynaha Somali Galbeed, wuxuuna ku jawaabay "Anniga iyo Mustafa Cagjar waxaan saaxiibo ku nahay naceybka Qoowmiyadda Tigreega iyo TPLF”
Siyaasiga Faarax Macalin oo horey u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya una dhashay qabiilka Ogaadeen gaar ahaan beesha Cowlyahan ayaa Nairobi ka raacay Ku simaha Madaxweynaha Somali Galbeed Mustafa Cagjar oo ay saaxiibo yihiin , iskalana tirsan yihiin Urur diimeedka Al-Islaax Al-Itixaadiya.
Faarax iyo Cagjar ayaa ka degay Addis Ababa Airport laakiin Sirdoonka Ethiopia siima ogaan in qofka Cagjar la socda yahay Faarax Macalin oo aad u neceb Ethiopia gaar ahaan Tigreega.
Sikastaba ha ahaatee, waxeey Sirdoonka Federalka Ethiopia ku guuldareeysteen iney Jigjiga ka qabtaan Faarax Macalin oo la rumeeysan yahay inuu yahay kan  daaha gadaashiisa ka hagaya siyaasadda seefla boodnimada ku dhisan ee Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...