[Topnews:-] Madaxweyne Cagjar oo Dowladda Ethiopia ugu hanjabay dagaal Cir iyo dhul ah.
Gollaha amniga federalka Ethiopia ayaa la soo weriyay iney Mustafa Cagjar ku amreen inuu si degdega xilalka uga qaado Wasiiradda iyo Gudoomiyeyaasha goboladda ee Urur diimeedka Al-Islaax si looga fogaado iney gobolka qabsadaan Urur diimeedka Al -Itixaad.laakiin sida muuqata wuxuu aad uga carooday amarkaas uga yimid Addis Ababa,wuxuuna bartiisa Facebook ku soo qoray qoraalkaan hanjabaada ah "Dib dambe shacabkayagga looguma ugaadhsan doono diintooda. Kuwii 27kii sano ee u dambeeysay shaambadeeynta dadka iimaanka iyo caqiidada leh ku aflaxay maantana isla tii miciin moodaya ha isu diyaariyaan dagaal cir iyo dhul ah. Waa waajib inaan difaacno xorriyadda iyo karaamada dadkayaga la duleeystay ee aan wali ka soo kaban dharbaaxooyinkii guumaysigii ba’naa ee ay soo mareen”
Inkastoo Mustafa Cagjar iyo walaalkiis ka weyn Mohamed Cagjar labadaba ka tirsan yihiin Urur diimeedka Al-islaax haddana wuxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowladda Federalka Ethiopia ugu hanjaba inuu ku qaadi doono dagaal cir iyo dhul ah waloow uusan gacanta ku heeyn Ciidankii difaaca Somali Galbeed ee Liyuu Boolis iyo Jawxo.
Sikastaba ha ahaatee Mustafa Cagjar waa ku sime Madaxweyne oo aan xubin ka aheyn Xisbigga iyo Gollaha dhexe ,wuxuuna dagaal xoogan ugu jiraa inuu furto xisbi siyaasadeed lagu magacaabo SIRAJ kaas oo la rumeeysan yahay iney ka soo horjeeda garabyadda siyaasadda sida ONLF,DULMIDIID IYO HEEGO.
[Topnews:-] Madaxweyne Cagjar oo Dowladda Ethiopia ugu hanjabay dagaal Cir iyo dhul ah.
Madaxweynaha Somali Galbeed Mustafa Cagjar ayaa bartiisa Facebook ku faafiyay qoraal hanjabaada oo toos ugu socday Dowladda Federalka Ethiopia kadib markii ay gollaha Amniga federalka Ethiopia ku eedeeyeen inuu gollahiisa Wasiiradda cusub dhamaantood