Al-Shabaab oo Lacago u Qeybiyay Qaar Kamid ah Shacabka Muqdisho+Sawirro

1
Sunday October 07, 2018 - 15:15:20 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4126
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Lacago u Qeybiyay Qaar Kamid ah Shacabka Muqdisho+Sawirro

    Al-Shabaab oo Lacago u Qeybiyay Qaar Kamid ah Shacabka Muqdisho+Sawirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab oo Lacago u Qeybiyay Qaar Kamid ah Shacabka Muqdisho+Sawirro

Waagacusub.com Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegtay in Xaafad kamid ah Magaaladda Muqdisho, ay lacago Zakakaad ah ugu qeybisay boqollaal ruux oo shacab fuqaro ah kuwaas oo kamid ah dadka reer Muqdisho.


Loading...

 Munaasabad ballaaran oo dadka loogu qeybinayay lacagaha ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Al-Shabaab ayaa dadka lagu gudoonsiiyay lacagaha.


Al-Shabaab ma aysan sheegin  Xaafadda lagu qabtay lacag bixinta iyo xiliga la qabtay toona.

Dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada waxay gaarayeen in ka badan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.


Dadka sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood xitaa naafo ahaa.

Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Al-Shabaab oo la hadlay dadka Zakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah.


Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayaa Sanadkii ugu dambeeyay kusii xoogesanayay Qeebo ma mida Magalada Moqdisho 6 lix sano kadib kooxda Al-Shabaab wexee u muuqata inee dib usoo ceshanayaan awoode ku lahayeen Caasimada Somalia ee Moqdisho 


Dhinaca kale Dowlada Somalia oo ka gaabisay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab wexeena dagalkefa u weecisay burburinta Mamul goboleedyada 


By Ali Aadan Hashi



                  

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...