[Xog xasaasiya] Sidee Al-Shabaab lacagta canshuurta uga qaadaan ganacsatadda Somalia ?

0
Wednesday October 10, 2018 - 07:49:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog xasaasiya] Sidee Al-Shabaab lacagta canshuurta uga qaadaan ganacsatadda Somalia ?

    Waagacusub.com - Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda.

Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaawaxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah.

Xafiiska maaliyadda waxa uu uruuriyaa lacagta canshuuraha oo ay ku jiraan Zakawaat-ka oo lagu qaado cadad dhan 2.5% oo ku jaan go’an qiimaha ganacsiga oo ay qiimeyso Al-Shabaab ka hor macaashka. Tani waxa ay baal marsan tahay sharciga Islaam-ka oo ogolaanaya in Zakada lagu bixiyo boqolleey dhammaadka sanad dhaqaaleed walba, waxaa laga jarayaa raasamaalka oo dhan.

Tani waxa ay horseedday in xubnaha Al-Shabaab dalbadaan in mushaarkooda laga bixiyo Zakada halkii ay ku qaadan lahaayeen canshuuraha uu soo uruuriyo xafiiska maaliyadda.

Al-Shabaab waxa ay haystaan liiska milkiileyaasha ganacsiga iyaga oo qiimeeya qiimohooda. Dhammaadka sanadka, dhammaan ganacsiga waxaa laga doonayaa in ay bixiyaan Zakada sanad laha ah iyaga oo kaash ahaan ugu geeynaya xafiiska maaliyadda. Dhaqankan waxa uu ka hirgalaa xataa deegaanada aysan Shabaab-ku joogin: Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, milkiileyaasha ganacsiga waxaa ku hareereysan mas’uuliyiinta maaliyadda ee Al-Shabaab, deegaanada ay Shabaab maamulaan Zakada kaash ayey ku dhiibaan.

Sidaas oo kale,  ganacsade jooga Buur Saalax oo Galbeed-ka Mudug ah ee Puntland, taas oo aad uga fog meelaha ay ku xoogga badan yihiin Al Shabaab waxa uu sheegay in Al-Shabaab ka qaaddo Zakada. Sheekadan waxa ay sidoo kale ka jirtaa Boosaaso, halkaas oo ay mukhaabaraadka Al-Shabaab joogaan, si joogta ahna u bartilmaameedsadaan ganacsatada diida bixinta canshuurta.

Lacagaha waxaa lagu qaadaa is baarooyin oo ay joogaan Al-Shabaab, hanti-dhawre ayaa u yeera si uu u weydiiyo lambar sireedyo iyo warqadaha lagu xaqiijiyo in la cagta la bixiyey. 10 Maalmood kaddib, xisaabiye ayaa ka qaada lacagta is baarooyinka. Magaalo walba waxa ay leedahay is baarooyin ku hareereysan oo uu booqdo xisaabiyaha kaas oo lacagta u geeya hanti dhawrka oo fadhiya xafiiska guud ee magaalada.

Hanti dhawrka waxa uu xaqiijiyaa in lacagta la soo qaaday iyo warqadda lagu bixiyey in ay isku qiime ku qoran yihiin; waxa uu siiyaa warqad tiimbareysan xisaabiyaha oo u sii qaada Bangiga. Bangigana, xisaabiyaha waxaa laga soo siisaa warqad caddeyn ah oo uu ku soo celiyo hanti dhawr-ka. Kaddib labaddii biloodba, lacag qaadeyaasha waa la bedelaa si ay fasax u soo qaataan, kaddib dib ayaa loo celiyaa.


Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...