[Topnews] Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo si buuxda isugu dhiibay sirdoonka ISRAEL

1
Wednesday October 10, 2018 - 07:49:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo si buuxda isugu dhiibay sirdoonka ISRAEL

    Waagacusub.com - Wada-shaqeynta ka dhaxeysa sirdoonka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa sanado badan daaha gadaashiisa laga waday, hase yeeshee warbixinno caalami ah ayaa kashifay heerka wada shaqeynta labada dhinac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wada-shaqeynta ka dhaxeysa sirdoonka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa sanado badan daaha gadaashiisa laga waday, hase yeeshee warbixinno caalami ah ayaa kashifay heerka wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale warbixinnada ayaa shaaca ka qaaday in Sacuudiga ay kula biireen Imaaraadka inay isku haleeyaan sirdoonka Yahuudda.

Wargeyska Times of Israel ayaa saddexdii bishan October qoray in mas’uuliyiita Sacuudiga ay barnaamij sirdoon oo Israel ay sameysay u adeegsadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka dibeddiisa ku sugan iyo kuwa shisheeye.

Wargeyska waxa uu sheegay in shirkadda Israel ee NSO oo fadhigeedu yahay dhulka la haysto ee Falastiin, gaar ahaan xeebta badda meditareeniyaanka ee waqooyiga magaalada Tel Aviv, ay Sacuudiga u diyaarisay barnaamij taleefonada u rogaya aalad wax lagu dhageysto.

Shirkadda Citizen Lab ee magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa shaacisay inay ku kalsoon tahay in barnaamijkaas loo adeegsaday in lagu jaajuuso Abdel Aziz, oo ah 27 jir mucaarad Sacuudi ah oo ku nool dalka Canada.

Warbixinta wargeyska Times of Israel ayaa timid ayada oo wargeyska New York Times ee Mareykanka uu 31-kii August qoray in Imaaraadka ay shirkad Israeli ah u adeegsadeen isku day ay ku doonayeen inay ku dhageystaan taleefonka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Waxaa sidoo kale barnaamijkaas lagu jaajuusay taliyaha ciidamada ilaalada qaranka Sacuudiga Amiir Meteb bin Abdullah, oo markii dambe xabsi la dhigay. Waxa uu ahaa nin diidanaa in Maxamed Bin Salmaan laga dhigo dhaxal-sugaha.

New York Times waxa uu sheegay in Imaaraadka ay lacag badan siiyeen saraakiil horey uga tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, iyo shirkad jaajuus oo Israeli ah, si ay ugu dhisaan barnaamij dadka lagu jaajuuso.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda si buuxda isugu haleeyaa shirkadaha sirdoon ee Israel iyo qalabka ay sameeyaan, si ay ugu jaajuusaan dadka ayaga kasoo horjeeda. Si kastaba, waxa aysan fahamsaneyn in Israel ay islamarkaasna haleyso xogta qaran ee labadan dal ee Carbeed.

Waa uu dhammaaday waqtigii Israel ay ahayd cadowga koowaad ee Carabta iyo Islaamka.


Loading...


Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...