[Topnews:-] Qaramadda Midoobay oo sheegtay iney Al-Shabaab ka dhaqaalo badan yihiin Dowladda Somalia .

0
Thursday October 11, 2018 - 10:02:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qaramadda Midoobay oo sheegtay iney Al-Shabaab ka dhaqaalo badan yihiin Dowladda Somalia .

    Waagacusub.com - Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in ilaha dhaqaalaha gudaha ee kooxda Al-Shabaab ay ka badan yihiin kana nidaamsan yihiin kan dowladda federaalka ah ee S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in ilaha dhaqaalaha gudaha ee kooxda Al-Shabaab ay ka badan yihiin kana nidaamsan yihiin kan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsiga dhuxusha uu yahay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab, lagana soo xareeyo lacag dhan 7.5 milyan oo dollar, oo laga sameeyo baadda laga qaado baabuurta xamuulka ee dhuxusha sidda.

Lacagta kasoo gasha dhuxusha ka sokow, Al-Shabaab ayaa sidoo kale malaayiin dollar sanadkii ka hesha lacagta ay ka qaado gaadiidka ay jidgooyooyinka u sameysteen ee sida dalaga beeraha iyo xoolaha.

"Dhammaan ficilladan waxay Shabaab usoo xareeyeen dhaqaale ay kusii wadi karto dagaalka” ayey tiri warbixinta kooxda UN Monitoring.

Jidgooyada ugu dakhliga badan al-Shabaab waa mid ku taalla meel 160 km u jirta Muqdisho, waxayna ku taalla waddada caaisimada ku xirta Baydhaba. Qof al-Shabaab kasoo goostay ayaa laga soo xigtay in jidgooyadaas ay maalinkii kasoo xarooto 30,000 oo dollar – 10 milyan oo dollar sanadkii.

"Ayaga oo adeegsada xeelado la mid ah kuwa maafiyada, ayaa Shabaab waxay dadka saartaa canshuur, ayada oo fulinta lagu salleeyo rabshado iyo cabsi-gelin” ayay tiri warbixinta.

Buug laga helay xisaabiye Shabaab ahaa oo la dilay ayaa faahfaahin ka bixiyey dakhliga Al-Shabaab uga soo xarooda iyo kan uga baxa gobolka Hiiraan, waxaana buugga uu muujiyey nidaam xisaabeed aad u horumarsan oo kooxdan ay adeegsato.

Kooxda QM waxa ay sheegtay in habka canshuuraha al-Shabaab uu aad uga horumarsan yahay ugana tayo badan yahay kan dowladda Soomaaliya, ayada oo kooxdu adeegsato nidaam cad oo ku saleysan xisabatan dhab ah, halka dowladda Soomaaliya lacagta ay ciidankooda qaarkood ururiyaan aysan lahayn meel loo raaco.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...