[Topnews:-] Kiiska Qoraaga Jamal Khasogi: Turkiga oo dalbaday baaritaanka Guriga Qunsulka Sacuudiga
Labada arrin ee ugu weyn ee kiiska ku soo kordhay ayaa ah in la shaaciyey muuqaallada iyo magacyada saraakiil Sacuudiyaan ah oo loo heysto inay mas’uul ka yihiin maqnaanshaha Qoraaga Jamal Khashoggi, isla markaana ka kooban yihiin 15 sarkaal oo laba diyaaradood isla maalintaas ku tegay magaalada Istanbul.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in saraakiishaas ay qoraaga ku dileen Qunsuliyadda dhexdeeda, isla markaana ay jirkiisa jarjareen iyadoo amarkaasi uu ka yimid madaxda sare ee boqortooyada.
Arinta labaad ayaa ah in Xeer ilaaliyeyaasha Turkiga ay Sacuudiga ka dalbadeen inay baaraan guriga Qunsulka Sacuudiga magaalada Instanbuul oo ku dhow xarunta Qunsulka, kaasoo looga shakiyey inay tageen laba gaari oo la tuhunsan yahay in Qoraaga uu ku jiray nolol ama geeri.
Sacuudiga oo ogolaaday in saraakiisha Turkiga ah ay baaraan Qunsuliyadda Istanbul ayaan weli bixin ogolaanshaha baaritaanka Guriga Qunsulka oo tuhunku saaran yahay, waxayna Turkiga ku adkeysanayaan in baaritanka labada xarun uu mar qura wada dhaco.
Wargeyska Washington Post in Sirdoonka Mareykanka uu qabtay wadahadal dhex maraya mas’uuliyiin Sacuudi ah oo ku saabsan in la soo xiro qoraaga Jamaal Khashogi
[Topnews:-] Kiiska Qoraaga Jamal Khasogi: Turkiga oo dalbaday baaritaanka Guriga Qunsulka Sacuudiga
Waagacusub.com - Iyadoo ay soo kordhayaan xogaha ku wareegsan qoraaga caanka ahaa ee dalka Sacuudiga Jamal Khashogi oo lagu waayey markii uu 2-dii bishan Oktoobar galay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ayaa saxaafadda Turkiga ay shaacisa