Muxuu yahay xiriirka u dhaxeyo Ronaldo iyo Dagaalyahanka MUSLIMKA ah ee baryahaan Adduunka Gil-gilay SAWIRO
Waagacusub.com Dagaalyahanka Muslimka ah ee ciyaara Ciyaaraha miisaanka culus ee UFC Khabib Nurmagomedov ayaa ku jira dabaal deg wayn kaddib markii uu dhawaan ka adkaaday midka ugu magaca dheer UFC ee Conor McGregor.
Saxiixa Cusub ee Juventus ayaa intaa kaddib isku sawiray Tinta uu aalaaba xirto Nurmagomedov ka hor kulamadiisa wuxuuna sidoo kale sare u qabtay maaliyada Real Madrid ee Lambarkiisa balse uu ku qornaa Magaca Dagaalyahanka ee Khabib wuxuuna u saxiixay kubbadii uu Saddexleyda ku dhaliyay.
dagaal yahan ayaa dagaal afka ah dhex maray ka hor kulankooda balse wiilka Muslimka ah ayaa yiri insha’alaah waa inoo Garoonka isagoona ugu dambeyn guul wayn ka gaaray.
Laakiin guushiisa waxaa qariyay dagaal uu sameeyay kulanka kaddib isagoo la dagaalay saaxiibada Conor McGregor oo la sheegay inay Diintiisa wax ka sheegeen.
Sikastaba Khabib oo iminka suunkiisa ku dabaal degaya ayaa ka sheekeeyay Saaxiibtinimada kala dhexeysa Cristiano Ronaldo iyo in laacibka reer Portugal uu markii hore isaga ku soo darsaday Baraha Bulshada.
Khabib Nurmagomedov oo u waramayay TV laga leeyahay Dalkiisa Ruushka ayaa sheegay in Ronaldo uu ku soo darsaday Instagram kiisa isla markaana uu aamini waayay markii loo sheegay.
"Qofbaa ii shegay in Ronaldo igu soo darsaday, balse waxaan mooday inay Kaftan tahay.
"Intaa kaddib waan hubiyay oo dhab ahaan ayuu iigu soo darsaday.
"Saaxiibadeyda waxay i yiraahdeen war aan Fariin u dirno. Isla markii ayuuna ka soo jawaabay.
"Intaa kaddib waxaan bilownay inaan wada hadalno ma garanayo sababta balse wuxuu i waydiiyay haddii aan la ciyaari karo Dos Anjos UFC 201.
"Intaa kaddib waxaan u diray sawir aniga ah oo garaacaya Dos Anjos (Nurmagomedov wuxuu ka adkaaday Dos Anjos 2014-kii.
"Ronaldo ayaa intaa kaddib ii soo diray .”
Isfahanka Ronaldo iyo Dagaalyahanka Muslimka ah ayaa si dhaqsi leh ku koray iyadoo uu xiddiga reer Portugal Khabib ku casuumay kulan Real Madrid ah oo dhacay bishii Feebaraayo ee sanadkan.
Los Blancos ayaana dheeshaasi ku badisay 5-2 iyadoo uu Ronaldo ka kacay Saddexleey wuxuuna intaa kaddib Nurmagomedov baray wiilkiisa.
Saxiixa Cusub ee Juventus ayaa intaa kaddib isku sawiray Tinta uu aalaaba xirto Nurmagomedov ka hor kulamadiisa wuxuuna sidoo kale sare u qabtay maaliyada Real Madrid ee Lambarkiisa balse uu ku qornaa Magaca Dagaalyahanka ee Khabib wuxuuna u saxiixay kubbadii uu Saddexleyda ku dhaliyay.
SAWIRRO:
Muxuu yahay xiriirka u dhaxeyo Ronaldo iyo Dagaalyahanka MUSLIMKA ah ee baryahaan Adduunka Gil-gilay SAWIRO
Muxuu yahay xiriirka u dhaxeyo Ronaldo iyo Dagaalyahanka MUSLIMKA ah ee baryahaan Adduunka Gil-gilay SAWIRRO