Taliye ku xugenkii hore NISA Abadalla Abdalla Oo ku eedeeyey taliyaha NISA iyo FAHAD inee gacan saar la leyihin AL-Shabaab
Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay ilaa hadda inaanu arkin cid dambi ku soo oogtay, taasi bedelkeedana isaga uu maxkamada tagay, islamarkaana uu dacwad gudbiyay, balse aan waxba laga qaban.
Cabdalla Cabdalla ayaa wuxuu sheegay in Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin aysan u qalmin inay ka shaqeeyaan amniga qaranka, maadaama uu tilmaamay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab, waqti dheerna la shaqeynayeen Ururka Al Shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda federaalka.
Ilaa hadda wax eed ii soo jeediyay ma arkin, ninka maxkamadda tagay oo warqada soo qortay oo Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa ku eedeeyay inay qarankan u qalmin amnigiisa inay ka shaqeeyaan, oo Al Shabaab ay xiriir la leeyihiin, waqti dheerna ay la shaqeynayeen Xuseen iyo Fahad aniga ayuu ahaa, iyada oo galka maxkamadda uu iiga furan yahay, meeshii ay aheyd in maxkamadda ay yimaadaan ayaa madaxweynaha in xafiiskiisa la tagay la soo qoray warqada xilka la iiga xayuubiyay”. ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.
Dhinaca kale Taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu soo hadal qaaday ciidanka NISA ee loo wareejiyay booliska, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi lagu deg degay, islamarkaana ujeedada ay tahay sidii loo burburin lahaa ciidanka NISA.
Ali Aadan Hashi
Taliye ku xugenkii hore NISA Abadalla Abdalla Oo ku eedeeyey taliyaha NISA iyo FAHAD inee gacan saar la leyihin AL-Shabaab
Taliye ku xugenkii hore NISA Abadalla Abdalla Oo ku eedeeyey taliyaha NISA iyo FAHAD inee gacan saar la leyihin AL-Shabaab