[Topnews:-] Anwar Ibrahim oo 20 sano oo Xabsiya kadib loo dhaarshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Malaysia iyo halgankii Xaaskiisa gashay ?

0
Tuesday October 16, 2018 - 07:04:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1764
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Anwar Ibrahim oo 20 sano oo Xabsiya kadib loo dhaarshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Malaysia iyo halgankii Xaaskiisa gashay ?

    Waagacusub.com - Kadib 20 sano oo xabsi, sumcad dil iyo bahdalaad ah, Anwar Ibrahim waxaa maanta loo dhaariyey Baarlamaanka Federaalka ah ee Malaysia. Sanad iyo bar ka dibna wuxuu noqon doonaa Raysalwasaaraha Malaysia. Markii uu Dr Mahathir Mohamed x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Kadib 20 sano oo xabsi, sumcad dil iyo bahdalaad ah, Anwar Ibrahim waxaa maanta loo dhaariyey Baarlamaanka Federaalka ah ee Malaysia. Sanad iyo bar ka dibna wuxuu noqon doonaa Raysalwasaaraha Malaysia. Markii uu Dr Mahathir Mohamed xabsiga dhigay 1998-dii wuxuu ku eedeyey in wiil darawal u ahaa uu fuulay.
Laakiin eedaas dad badan oo Malaysian ah iyo inta siyaasada Malaysia la socotaba waxay u arkayeen sumcad dil siyaasadeed oo uu Dr Mahatir ku maquuninayo, siyaasadana uga saarayo Anwar oo xiligaa ahaa ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Maaliyada. Xaaskiisa Wan Azizah Wan Ismail iyo gabadha curadiisa ah Nurul Izzah Anwar markii Anwar lagu xadgudbay ma aysan calaacalin, ciilna meel lama fariisan ee waxay aasaaseen Xisbiga Cadaalada. Doorashadii ugu danbeysay ayey heleen codadka ugu badan ee Baarlamaanka. Wan Aziz haatan waa Raysalwasaare ku xigeen, halka Nurul Izzah ay tahay xildhibaanad Baarlamaanka ka tirsan.
Gabadha iyo hoyaadeed waxay galeen halgan dheer oo 20 sano qaatay, laakiin ugu danbayn way guuleysteen. Odaygii magaciisa way dhaqeen, sumcadiina way u soo celiyeen, xukunkii dalka way qabsadeen, Dr Mahatir way cafiyeen, Najib Razak oo ay Raysalwasaarihii doorashada looga adkaadayna Xabsi ayey dhigeen.
Waxaa laga baran karaa, sabarka, nafhurka, daal la’aanta, dadaalka joogta ah iyo talo saarashada alle in uu yahay saadka guusha Nolosha.
By Abdirahman Abdishakur

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...