[Topnews:] Turkiga oo Codkii cadeeynta dilka Wariye Jamal u gudbiyay Mareykanka iyo Saudi Arabia

0
Tuesday October 16, 2018 - 18:44:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:] Turkiga oo Codkii cadeeynta dilka Wariye Jamal u gudbiyay Mareykanka iyo Saudi Arabia

    Waagacusub.com - Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay inay hayaan cod ka kooban 11 daqiiqo oo muujinaya in suxufiga la la'yahay ee Sacuudiag Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay inay hayaan cod ka kooban 11 daqiiqo oo muujinaya in suxufiga la la'yahay ee Sacuudiag Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Sarkaal la hadlay taleefishinka Al-Jazeera oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in codka ay hayaan aan laga dhex-helin saacadda Apple Watch, sida suuqa ku jirta, balse si kale uu kusoo gaaray.

Dhinaca kale sarkaal kale oo Turkish ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in caddeymaha ay hayaan ee dilka Khashoggi ay la wadaageen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga.

Taxliilin coded oo ay sameeyeen booliska dalka Turkiga ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka ka dhex-hadlaya codka ay ku jiraan saddex nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Sacuudiyiin iyo codka suxufi Jamal Khashoggi oo la dilayo.

Waxaa sidoo kale codka laga maqlay in Jamal Khashoggi weerar horey looga billaaabay isla markii uu galay qunsuliyadda, islamarkaana nafta looga qaaday muddo 4 daqiiqo gudahood ah.

Shaqaalaha qunsuliyadda ka shaqeynayey ayaa maalintii la dilayey Jamal Khashoggi waxaa shaqada laga fasaxay 11:30 AM, halka Jamal uu ballansanaa inuu yimaado 1:00 PM.

Waxaa la rumeysan yahay in markii la dilay kadib, Khashoggi meydkiisa cad cad loo jarjaray kadibna qunsuliyadda laga bixiyey.

Safaaradda Sacuudiga ee Ankara oo wax laga weydiiyey arrintan way diiday inay ka jawaabto.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...