[Topnews] Raisulwasaaraha Ethiopia oo Nin Somalia xil Wasiir culus u magacaabay

0
Tuesday October 16, 2018 - 19:04:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Raisulwasaaraha Ethiopia oo Nin Somalia xil Wasiir culus u magacaabay

    Waagacusub.com - Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta u magacaabay Ahmed Shide inuu noqdo wasiirka maaliyadda dalkaas, isaga oo beddeli doona Abraham Tekeste.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta u magacaabay Ahmed Shide inuu noqdo wasiirka maaliyadda dalkaas, isaga oo beddeli doona Abraham Tekeste.

Ahmed Shide oo Soomaali ah ayaa horey u ahaa wasiirka xafiiska arrimaha isgaarsiinta dowladda, ka hor inta aan xilkan loo magacaabin.

Abiy Ahmed oo xilka qabtay bishii April kadib markii sanado deganaansho la’aan siyaasadeed ah ay ku qasbeen ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn inuu is-casilo, ayaa dib u habeyn ku sameeyey golaha wasiirada si uu uga dhigo mid loo dhan yahay.

Waxa uu sidoo kale yareeyey tiradii wasiirada oo uu ka dhigay 20, halka markii hore ay ka ahaayeen 28, ayada oo 50% ay yihiin haween, sida warbaahinta dowladda ay shaacisay.

Waxa uu sidoo kale abuuray wasaarad cusub oo ah "waasaradda nabadda” kadib bilo ay jireen iskudhacyo qowmiyeed, waxaana wasiir looga dhigay Muferiat Kemal, oo horey u ahaa afhayeenka baarlamanka.

Dr Workneh Gebeyehu ayaa sii hayn doona xilka wasiirka arrimahha dibedda, oo uu horey u hayey.

Magacyada golaha wasiirada cusub

1 – Dr Workneh Gebeyehu — Wasiirka Arrimaha Dibedda
2 – Mrs Muferiat Kamil — Wasiirka Nabadda
3 – Mrs Aisha Mohammed —  Wasiirka Gaashaandhigga
4 – Ahmed Shide — Wasiirka Maaliyadda
5 – Umer Hussien — Wasiirka Beeraha
6 – Mrs Fetlework Gebregziabher — Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
7 – Mrs Adanech Abebe — Wasiirka Dakhliga
8 – Dr Getahun Mekuria — Wasiirka Taknoolajiyadda iyo Hindisaha
9 – Mrs Dagmawit Mogess — Wasiirka Gaadiidka
10 – Jantirar Abay — Wasiirka Horumarinta Deegaanka iyo Dhismaha
11 – Dr Samuel Hurko — Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
12 – Dr Tilaye Gete — Wasiirka Waxbarashada
13 – Mrs Hirut Woldemariam (PhD) — Wasiirka Sayniska iyo Waxbarashada Sare
14 – Mrs Yalemtsegay Assefa — Wasiirka Haweenka, Dhallinyarad iyo Caruurta
15 – Mrs Ergoge Tesfaye (PhD) — Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
16 – Mrs Hirut Kassaw (PhD) — Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
17 – Mrs Fitsum Assefa (PhD) — Wasiirka Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta
18- Dr Amir Aman — Wasiirka Caafimaadka
19 – Dr Engineer Seleshi Bekele —  Wasiirka Biyaha iyo Korontada
20-  Berhanu Tsegaye — Xeer ilaaliyaha Guud


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...