War dag dag ah Ciidamada Kenya Oo Qarax Lagu La Eegtay Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya
Waagacusub.com warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar laba qarax loo adeegsaday oo kolonyo ka tirsan ciidanka Miltariga Kenya, kuwaasi oo ku socdaalayay qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera.
Qaraxyadan ayaa waxa ay qabsadeen laba gaari oo nuucooda uu yahay kuwa xambaara ciidamada, waxaana xiliga uu qaraxa qabsanayay ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Carabiya iyo Finnoow ee ka wada tirsan Mandheera.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen Kolonyada gaaadiidka Millatariga Kenya ee la beegsaday inay ka soo baxeen dhanka Mandheera, waxaana ay ku sii jeedeen dhanka magaalada Ceel Waaq.
Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan ayaa waxa ay tilmaameen inay qarax ku gubeen laba gaari, islamarkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ay gaarsiiyeen ciidamada Kenya.
Al Shabaab ayaa dhawr jeer oo hore qaraxyo noocaan ah ku qaaday magaalada Mandheera, tan iyo markii ciidamada Kenya ay ka soo tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al Shabaab sanadkii 2011.
War dag dag ah Ciidamada Kenya Oo Qarax Lagu La Eegtay Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya
Ciidamada Kenya Oo Qarax Lagu La Eegtay Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya