Wasiirrada arimaha dibadda Itoobiya iyo Ereteria oo gaaray Muqdisho

0
Wednesday October 17, 2018 - 11:54:15 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada arimaha dibadda Itoobiya iyo Ereteria oo gaaray Muqdisho

    Wasiirrada arimaha dibadda Itoobiya iyo Ereteria oo gaaray Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirrada arimaha dibadda Itoobiya iyo Ereteria oo gaaray Muqdisho
Waagacusub.com Raisal wasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirrada arrimaha dibadda Dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Loading...

Diyaaradda Itoobiya (Ethiopean Airways) ayaa siday wasiirradan iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradaha arimaha dibadda ee Itoobiya iyo Ereteria.

Ujeeddada safarkooda wali si rasmi ah uma shaacin dowladda Soomaaliya,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan la qaataan madaxda ugu sarreysa dalka.

Xiriirka u dhexeeya dalalka Geeska Afrika ayaa mudooyinkii danbe ahaa mid soo hagaagayay, ayadoo ay jireen shirar gooni gooni ah oo madaxda dalalka geeska Afrika ay yeesheen, kuwaa oo intooda badan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hore u kala sixiixday heshiisyo iskaashi oo dhinacyada dhaqaalaha, sidoo kale shirkadda Duulimaadka Itoobiya ayaa 41-sano kadib duulimaadyo toos ah ka bilowday Soomaaliya.

Ereteria iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaafkii u dhexeeyay, sidoo kale Soomaaliya iyo Ereteria ayaa kala sixiixday dhammaadiibishii July heshiis iskaashi oo dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga ah.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...