Xog: Qodobada laga filayo shirka madaxda maamul goboleedyada ee Garowe

0
Saturday October 20, 2018 - 15:06:19 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2615
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Xog: Qodobada laga filayo shirka madaxda maamul goboleedyada ee Garowe

    Waagacusub.Com Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Garowe, kaasoo ahaa mid horay loo qorsheeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.Com Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Garowe, kaasoo ahaa mid horay loo qorsheeyay.
Shirka Garowe oo la filayay inuu dhaco 10-ka bishan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay, waxaana shirkan la sheegay in looga tashanayo aayaha dalka iyo xaalada uu dalku marayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ee shirka ka qeyb galaya ay gelinka dambe ee maanta tagi doonaan Garowe.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo ayaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Garowe.

 

Sidoo kale Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa iyana diyaarad ku tagi doona Garowe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la fileyn inuu ka qeyb galo shirkan, maadaama uu horay uga baxay go’aankii Maamul goboleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Kulanka Maamul Goboleedyada uga furmi doono Magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay kasoo bixi doonaan qodobo sii kala fogeyn doono Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Shirkii Kismaayo ay ku yeesheen ayey kaga dhawaaqeen inay xiriirka u jareyn Dowladda Dhexe waxayna taas keentay inay istaagaan dhammaan shaqooyinkii Dowladda Dhexe kala dhaxeeyey Maamul Goboleedyada oo ay ugu horeeyeen Shirkii Amniga Qarank iyo Arrinta Dastuurka.

 

Sida ay Waagacusub Media  u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow Maamul Goboleedyada, Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo xaasaasi ah oo ay kamid tahay inaysan Dowladda iyo iyaga dib dambe u macaamili doonin ayna ka madax banaan yihiin taasna ay keeni doonto inay Soomaaliya gasho xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran.

Sidoo kale waxaa kamid ah qodobada shirkaan looga hadlayo in dib loo dhigo dhammaan doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Maamul Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland isla markaasna aysan wax talo ah ku yeelan Dowladda Dhexe.

Beesha Caalamka ayaa ku guuldareystay inay joojiso kulankaan Maamul Goboleedyada uga furmayo Garoowe waxaana muuqato inay si weyn usii kala fogaanayaan Maamulada iyo Dowladda Dhexe.



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...