Maamulayaal School oo Muqdisho lagu dilay iyo magacyadooda
Waagacusub.com wararka ka imaanaaya Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmadda Heliwaa ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysnaa ayaa caawa halkaas ku dileen Maamulayaal Iskuul.
[Waagacusub.com Mazzarino] Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka Labadda Maamule, kuwaasi oo maaamule iyo Maamule ku-xigeen ka ahaa Iskuulka Alfuraad oo ku yaala Suuqa Xoolaha.
Maamulaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaan ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana la xaqiijiyay in ay sii qaateen Qalab ay wateen,sida Mobelo iyo Computero
Ali Aadan Hashi