[MW Axmad Madoobe:] " cid gooni ah go'aan kama gaari karto qaabka doorasho dalka uga dhaceyso, horay uma dhici, mana dhici doonto , taladda dalka

0
Sunday October 21, 2018 - 17:31:13 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [MW Axmad Madoobe:] " cid gooni ah go'aan kama gaari karto qaabka doorasho dalka uga dhaceyso, horay uma dhici, mana dhici doonto , taladda dalka

    Waagacusub.com Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta khudbad qiiro leh ka jeediyay furitaanka shirka Dowlad Goboleedka ee ka furmay magaalada Gawowe. MW Axmed ayaa sheegay in dalkii faraha ka sii baxayo keeni doontana in bur-bur hor leh dalka ka dhaco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta khudbad qiiro leh ka jeediyay furitaanka shirka Dowlad Goboleedka ee ka furmay magaalada Gawowe. MW Axmed ayaa sheegay in dalkii faraha ka sii baxayo keeni doontana in bur-bur hor leh dalka ka dhaco. Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsday sida loogu tagri falay dhaqaalihii dalka loogu yaboohay iyo go'aano aan mas'uuliyad ku dhisneynin oo koox albaabada soo xiratay gaareyso. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta khudbad qiiro leh ka jeediyay furitaanka shirka Dowlad Goboleedka ee ka furmay magaalada Gawowe. MW Axmed ayaa sheegay in dalkii faraha ka sii baxayo keeni doontana in bur-bur hor leh dalka ka dhaco. Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsday sida loogu tagri falay dhaqaalihii dalka loogu yaboohay iyo go’aano aan mas’uuliyad ku dhisneynin oo  koox albaabada soo xiratay gaareyso.

Loading...

Mar uu ka hadlayay arimaha doorashada 2020 ayuu yiri " cid gooni ah go’aan kama gaari karto qaabka doorasho dalka uga dhaceyso, horayna uma dhici, mana dhici doonto , taladda dalka waa ay naga wada dhaxeeysaa”.

MW Axmad Madoobe aya sidoo kale ka hadlay in dowlada dhexe wado dacaayad dhaheysa dowlad Goboleedyadda waa ay ku darsanayaa oo ma doonayaa in doorasho dhacdo. Waxa uu sheegay in arintaas tahay dacaayad raqiis  ah oo been abuur ah.  Waxaa uu yiri "Doorashooyinka dowlad Goboleedyadda waa ay dhacayaan waqtigooda ayaa dhacayaan, cidii wax isku hayso oo rabta in ay ka qeyb gashana tartanka ha isku diyaariso” .

MW Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dalku u baahan yahay  shir ama wadatashi heer qaran ah oo Soomaali la isugu soo dhaweynayo si dalka loo badbaadiyo.



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...