[Xildhibaan Fiqi] : Villa Soomaaliya waxay xoog iyo maalgelin ku bixineysa qaska Galmudug ka socda"

0
Monday October 22, 2018 - 11:34:16 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xildhibaan Fiqi] : Villa Soomaaliya waxay xoog iyo maalgelin ku bixineysa qaska Galmudug ka socda"

    Waagacusub.com Mazzarino - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay gadaal riixeyso waxa ka socda Cadaado, kaddib markii Garab ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay maalin ka hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com Mazzarino - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay gadaal riixeyso waxa ka socda Cadaado, kaddib markii Garab ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay maalin ka hor doorteen Madaxweyne.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in Dowladda ay dhaqaale ku bixineyso dhaq dhaqaaqyada ka socda Cadaado, sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Madaxtooyada Villa Somalia inay burburineyso heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

"Madaxda Villa Soomaaliya waxay xoog iyo maalgelin ku bixiyeen in heshiiskii Madaxtooyada lagu saxiixay ay doc faruuraan, Galmudugna laga abuuro fowdo iyo qas, loona caleema saaro Madaxweyne Madaxda Villa Soomaaliya ay duubteen”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa wax lala yimaado ku tilmaamay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu sheegay inay hurdo ku jirto oo ay muddo ka aamusneyd xaalada ka taagan Galmudug.

Khilaafka ka taagan Galmudug ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana labada dhinac ee ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb ay sameeyeen doorashooyin iyo xil ka qaadis iska soo horjeeda, taasoo jahwareer badan keentay.

Ali Aadan Hashi 



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...