[Soomaaliya]: oo kaalinta 1aad ka gashay liiska dalalka dilayaasha saxafiyiinta aan la maxkamadeyn
Waagacusub.com- Warbixin ay soo saartay hay'ada ilaalinta saxafiyiinta CPJ ayaa lagu xusay in dalka Soomaaliya uu sanadkii 4aad kaalinta 1aad uu ugaga jiro wadamada lagu dhibaateeyo saxafiyiinta oo aan cidna loo qaban.
Liis ay soo saartay CPJ ayaa lagu xusay 14 dal kuwaasoo ugu daran in aan cadaalad la soo horkeenin dadka geysta dilalka saxafiyiinta.
Soomaaliya ayaa kaalinta 1aad ugaga jirta liiskan sanadkii afaraad ee isku xiga waxaana liiskan lagu soo daran sanadkan dalalka Afghanistan iyo Colombia.
Tobankii sano ee la soo dhaafay 324 weriye ayaa la dilay iyadoo boqolkiiba 85 dadkii ka dambeeyay dilalkaas aan la soo qaban.
Dhowaan ayaa xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Nuur waxa uu ugu baaqay dowlada Soomaaliyeed inay wax ka qabato dilalka saxafiyiinta ayna sharciga horkeento dadka ka dambeeya dilalka saxafiyiinta.