[Guddoomiyihii]: guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed oo is-casilay

0
Monday November 05, 2018 - 19:00:15 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Guddoomiyihii]: guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed oo is-casilay

    Waagacusub.com- Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu is casilay Guddoomihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu is casilay Guddoomihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada aya shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Baydhabo waxa uu ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is casilaada Guddoomiyaha oo aheyd mid kadis ah ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeyn warar sheegayo inuu Shariif Xasan is casili rabo.Guddoomiyihii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ee Maanta is casilay Carfo Ibraahim Aadan ayaa Maanta waxa uu shahaadooyinka musharaxnimo guddoonsiiyay ilaa Saddex musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay.



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...