[TOPNEWS] MUSUQ-MAASUQ HAREEYAY XAFIISKA WASIIRKA MAALIYADDA

0
Thursday November 08, 2018 - 19:44:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [TOPNEWS] MUSUQ-MAASUQ HAREEYAY XAFIISKA WASIIRKA MAALIYADDA

    Waagacusub.com - Hantidhowrka Guud ee qaranka ayaa baaris ku hayo Xafiiska Wasiirka Maaliyadda kadib markii ay soo baxday eedeymo sheegaya in la lunsaday xoolo dadweyne iyo ku tagrifal hanti Qaran iyo maamul xumo baahsan iyadoo uu Wasiirku si weyn ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Hantidhowrka Guud ee qaranka ayaa baaris ku hayo Xafiiska Wasiirka Maaliyadda kadib markii ay soo baxday eedeymo sheegaya in la lunsaday xoolo dadweyne iyo ku tagrifal hanti Qaran iyo maamul xumo baahsan iyadoo uu Wasiirku si weyn ugu tuntay nidaamka Maaliyadda dalka.

Warqad ay soo saartay marwo Fadumo  Cusman Faarax, oo ay kaga cabaneyso in Wasiirku ku tuntay sharciga Maaliyadda Dalka oo Wasaaraddii u gacan galiyay koox dhalinyaro qaraabadiisa ah, oo maafiyo ah oo uu hoggaaminayo Liibaan Obsiiye.

Wasiir Beyle ayaa markii horaba shaqo ka bilaabay in uu karaamo dilo Saraakiisha ka hooseysa, isagoo shaqada ka fariisiyay Xoghayihii Joogtada Wasaradda Dr. Ahmed Dayid, isagoo marki dambana is qabteen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Qaloocow iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradd Mudane Maxamud Xayir. Dr. Qaloocow waxaa laga soo xigtay in uu yiri "50 sano ayaan ku soo jiray Shaqo qaran, heerar kala duwanna waan ka soo qabtay, weligey ma arag qof Beyle oo kale ah”

Wasiir Bayle ayaa mas’uuliyiintii inta badan ka dhigay kuwo aan wax role ah lahayn halka qaarna uu eryay, isago oo wasaaradda ku koobay kaliya agaasime waaxeed Shire Axmed Jimcaale kaas oo sanadihii 2011 iyo 14 kii ay kooxda monitoring group qormooyinkii tixraaca number S/2011/968, 31 December 2011. S/2014/936.  31 December 2014.  ku tilmaameen smart corrupter, (Khabiir musuqmaasuq) mudo fog oo uu wasaaradda ka shaqaynayay ayaa u suurto gelisay in uu noqdo rugcadaa aan la fahmi karin habka uu ku lunsado hantida qaranka, Shire ayaa mudo 8 sano gudohood ah ku dhistay 47 guri oo ku kala yaal degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis, Boondheere iyo Heliwaa. Mas’uul magaciisa qariyay ayaa sheegay in Shire Axmed Jimcaale caado u tahay in wasiir kasta oo la soo magacaabo hadiyad ahaan u siiyo gaari cusub inta uusan xafiiska la wareegin, kadibna u gudbiyo farsamada aan raadka lahayn ee lagu lunsado hantida, warbixinta ayaa sheegaysa in farsamada ay ka mid tahay hadii aad wadato qaansheegato dhan $100,000 aad wasaaradda maaliyada kala kulmayso diidmo qayaxan oo lagu sababaynayo wax lacag ah qasnadda dowlada kuma jirto, adigoo niyad jabsan ayaa Shire kugu leeyahay waan kuu soo dhamaynayaa ee imisa ayaad bixinaysaa, inta badan heshiiska ayaa ah waxaad ka tagaysaa 30% isla maanta ayaadna helaysaa inta kale, adigoo saxiixaya in aad qaadatay 100% intii ku qornayd qaansheegatada, taasi waxay u suurto gelinaysaa kooxda Wasiir Bayle in ay helaan malaayiin dollar oo aan lahayn wax raadraac ah marka laga reebo cadymaha ka imaanaya dadka ay ka goosteen percentage-ka sharci darada ah.

Waxaa xusid mudan in Wasiir Beyle markii uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda joogay 2014 in uu sidaa oo kale uu baabi’iyay Wasaaradda Hay’ad ahan teedii, isagoo Wasaaraddii gacanta u galiyay koox dhalinyaro ah oo isaga ku heyb ah sida Ayuub Ismail, Liibaan Obsiiye, Siyaad iyo kiwi kale oo markii uu Wasaaradda ka tagay iyaguna ka yaacay waayo maba aheyn shaqaale Qaran markii hore. Wuxuu sixiixa u foodstuff Wasiiru Dowlihii Allaha Unaxariisto Dr. Burci Xamza, waxa uu karaamada ka qaaday Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda Mudane Cabdullahi Dool, kaa oo markii dambe uu si aan sharciga waafaqsaneyn shaqada uga eryay. Arrinaha Dibadda musuq maasuq baaxad weyn ayaa ka dhacay berigaa iyadoo Wasiir Beyle uu lunsaday Miisaaniyadda  ilaa 12 Safaaradood. Tacliin deeq ah oo lagu helay magaca umadda Soomaaliyeed waxa uu ku qoray dad qaraabadiisa ah, mashaariic loogu tallo galay dib u dhiska dalka waxa uu hanaan musuq la xiriiro ugu weeciyay gobolka uu ka soo jeedo, mashaariicdaas oo uu bixiyay Bank Africa, iyadoo markale oo sanadkanna sidii oo kale uu mashaariic u weeciyay deegaanka beeshiisa.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...