[Sawirro]:-Wararkii U Dambeeyay Qaraxyo Ka dhacay Muqdisho

0
Friday November 09, 2018 - 17:24:57 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sawirro]:-Wararkii U Dambeeyay Qaraxyo Ka dhacay Muqdisho

    Waagacusub.com- Ilaa Saddex Qarax ayaa Galabta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo aha kuwo gaari loo adeegsaday ayaa ahaa kuwo is xigxigay,waxaana ay ka dhaceen laa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Ilaa Saddex Qarax ayaa Galabta ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo aha kuwo gaari loo adeegsaday ayaa ahaa kuwo is xigxigay,waxaana ay ka dhaceen laamiga u dhaxeeya Xarunta Dambi-baarista ee CID-da iyo Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Bartilmaamedka ayaa ahaa Hotel Saxafi iyo Xarunta Dambi baarista ee CID saday balse wariyeyaal goobta ku sugan ayaa waxa ay sheegayaan in Darbiga Hotelka Saxafi iyo bartamaha laamiga ay ku qarxeen.


Loading...

Waxaa Sawirro laga soo qaaday Goobta qaraxa la arkayay burbur xooggan oo soo gaaray Hotelka Saxafi oo dad tegay ay waagacusub u sheegeen in darbiga Hotelka lagu dhuftay Gaari qarax siday.


Waxaa Gurmad halkaasi ka sameeyay Gawaarida gurmadka deg dega ah,iyada oo ay jiraan dhaawacyo ay qaadeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa sidoo kale yaalla mid ka mid ah Gawaarida dadweynaha ee Homeyda loo yaqaano iyo Mootooyin bajaaj oo burburay,waxaana ku waxyeeloobay dadkii saarnaa.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in rag hubeysan oo ka tirsana Al-Shabaab,isla markaana doonayay inay weeraraan Hotelka Saxafi la toogtay.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...