[Madaxweyne Xaaf]: oo Dowladda ku eedeeyay dilal ka dhacay deeganada Galmudug

0
Monday November 12, 2018 - 15:06:29 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Madaxweyne Xaaf]: oo Dowladda ku eedeeyay dilal ka dhacay deeganada Galmudug

    Waagacusub.com- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in dhibaatooyinkii saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah maamulka Galmudug ay qeyb ka aheyd. Xaaf ayaa sheegay in dilalkii ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in dhibaatooyinkii saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah maamulka Galmudug ay qeyb ka aheyd. Xaaf ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Cadaado, Hobyo, Balanbale iyo Afbarwaaqo ay ahaayeen Ukumihii ay abuurtay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo qarxay oo maalinba bahalo ay ka soo baxayaan sida uu yiri.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu noqday mid daba dheeraaday oo xilligaan qarka u saaran in uu dalku burburo.

Waxa uu sheegay in aysan jirin horumar laga sameeyay Soomaaliya iyo degaanada Galmudug intaba sanadii lasoo dhaafay sababo la xariira Khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

"Waan la socdaa waxyaabaha ka dhacaya deeganada Galmudug sida Hobyo, Balanbal, Cadaado waa ukumihii Dowladda Federalka ay dhigtay oo maalinba qarxaya.”

"Dowlad Goboledyada Khilaafkooda wuxuu ahaa cabasho kaliya arrintiina waa la sii fogeeyay, haddii aan arrintaasi deg deg ah wax looga qaban dalka bur bur ayuu galayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf Xooggan oo wali aanan xal loo helin.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...