[TOPNEWS] BOOBKA BAYLE & SHIRE WAA BALAAYO QARSOON (QAYBTII LABAAD EE MUSUQ-MAASUQA WASAARADDA MAALIYADDA)

1
Sunday November 18, 2018 - 04:12:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3212
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [TOPNEWS] BOOBKA BAYLE & SHIRE WAA BALAAYO QARSOON (QAYBTII LABAAD EE MUSUQ-MAASUQA WASAARADDA MAALIYADDA)

    Waagacusub.com - Waa qaybtii labaad ee barnaamijyo taxane ah oo aynu ku eegayno habka farsamaysan ee lagu boobo hantida wasaaradda maaliyadda Soomaaliyeed, waxaanu todobaadkii hore idiin soo gudbinay dadaalka Hantidhowrka Guud ee qaranka oo baaris he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waa qaybtii labaad ee barnaamijyo taxane ah oo aynu ku eegayno habka farsamaysan ee lagu boobo hantida wasaaradda maaliyadda Soomaaliyeed, waxaanu todobaadkii hore idiin soo gudbinay dadaalka Hantidhowrka Guud ee qaranka oo baaris heer sare ah ku sameysay xafiiska wasaaradda maaliyadda, hantidhowrka Guud ee qaranka Fadumo Cusman Faarax oo baaris ku haysa Xafiiska Wasiirka Maaliyadda kadib markii ay soo baxday eedeymo sheegaya in la lunsaday hanti fara badan, wasiirka oo shaqadda gacanta u geliyay koox qowlaysato ah oo uu hogaamiyo Shire Axmed Jimcaale, kaas oo sanadihii 2011 iyo 14 kii ay kooxda monitoring group qormooyinkii tixraaca number S/2011/968, 31 December 2011. S/2014/936. 31 December 2014. ku tilmaameen smart corrupter, (Khabiir musuqmaasuq) mudo fog oo uu wasaaradda ka shaqaynayay ayaa u suurto gelisay in uu noqdo rugcadaa aan la fahmi karin habka uu ku lunsado hantida qaranka, Shire ayaa mudo 8 sano gudohood ah ku dhistay 47 guri oo ku kala yaal degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis, Boondheere iyo Heliwaa.
Mas’uul magaciisa qariyay ayaa sheegay in Shire Axmed Jimcaale caado u tahay in wasiir kasta oo la soo magacaabo hadiyad ahaan u siiyo gaari cusub inta uusan xafiiska la wareegin, kadibna u gudbiyo farsamada aan raadka lahayn ee lagu lunsado hantida, warbixinta ayaa sheegaysa in farsamada ay ka mid tahay hadii aad wadato qaansheegato dhan $100,000 aad wasaaradda maaliyada kala kulmayso diidmo qayaxan oo lagu sababaynayo wax lacag ah qasnadda dowlada kuma jirto, adigoo niyad jabsan ayaa Shire kugu leeyahay waan kuu soo dhamaynayaa ee imisa ayaad bixinaysaa, inta badan heshiiska ayaa ah waxaad ka tagaysaa 30% isla maanta ayaadna helaysaa inta kale, adigoo saxiixaya in aad qaadatay 100% intii ku qornayd qaansheegatada, taasi waxay u suurto gelinaysaa kooxda Wasiir Bayle in ay helaan malaayiin dollar oo aan lahayn wax raad-raac ah marka laga reebo cadymaha ka imaanaya dadka ay ka goosteen percentage-ka sharci darada ah.

Sadax maalin kadib markii Waagacusub idiin soo gudbiyay boobka ka socda wasaaradda, waxaa isla markiiba soo if baxday in dhowr wasaaradood laga goostay korantadii iyo biyihii, taas oo sababtay in gebi ahaanba shaqadii wasaaraduhu joogsadeen, haba ugu sii darnaadeen Wasaaradda Beeraha, Ganacsiga, xanaanada xoolaha, batroolka iyo gaadiidka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, wasaaradda maaliyada oo horey ugu faantay in dakhligii wasaaraddu kordhay, waxaa su’uul adag noqotay hadii dakhligu kordhay xaguu qabtay? Dood taas ku saabsan ayaa ka bilaabatay baarlamaanka, iyadoo wasiir Bayle kala hadlay sadax jeer, dakhliga kordhay ka sokoow, baarlamanka ayaa is weydiiyay halka ay ku dambaysay 50kii million oo Sucuudigu ku deeqay Soomaaliya,  Liibaan Obsiiye oo wasiir Bayle adeer u yahay iyo Shire Axmed Jimcaale ayaa todobaad kasta lunsada hanti faro badan.

Wasiir Beyle ayaa markii horaba shaqo ka bilaabay in uu karaamo dilo Saraakiisha ka hooseysa, isagoo shaqada ka fariisiyay Xoghayihii Joogtada Wasaradda Dr. Ahmed Dayib, isagoo marki dambana is qabteen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Qaloocow iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradd Mudane Maxamud Xayir. Dr. Qaloocow waxaa laga soo xigtay in uu yiri "50 sano ayaan ku soo jiray Shaqo qaran, heerar kala duwanna waan ka soo qabtay, weligey ma arag qof Beyle oo kale ah” waxaa xusid mudan in Wasiir Beyle markii uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda joogay 2014 in uu sidaa oo kale uu baabi’iyay Wasaaradda Hay’ad ahaanteedii, isagoo Wasaaraddii gacanta u galiyay koox dhalinyaro ah oo isaga ku heyb ah sida Ayuub Ismail, Liibaan Obsiiye, (hada waxuu u soo warjiyay W.Maaliyadda) Siyaad iyo kiwi kale oo markii uu Wasaaradda ka tagay iyaguna ka yaacay waayo maba aheyn shaqaale Qaran markii hore.

Kaalinta Shire Axmed Jimcaale ee wasaaradda ayaa ah in uu fududeeyo hababka xirfadaysan ee xatooyada aan raadka lahayn, taas oo ah cilmi iyo xirfad wasiiro badan u baahan yihiin, isagoo leh khibrad ka badan sodon sano oo uu ka soo shaqynayay howlo noocaas ah, inkasta oo uusan lahayn waxbarasho aas-aasi ah, kana tirsanaa kooxda ciyaaraha loo yaqaan kobdhoodka Boondheere, hadana waa khabiir aan laga maarmin, taasi waxay gaarsiisay heer dhowr jeer lagu xusay qormooyinkii monitoring group, ilo wareedyo magacooda qariyay ayaa xaqiijiyay in arintu ayan ku koobnayn kaliya wasiir Bayle iyo Shire, waxaana la xaqiijiyay in masuuliyiinta sare ee dowladu wax badan kala socdaan una muuqato in shaqada socota ay qayb ka yihiin, Wasiir Bayle ayaa ku jaha wareesan dhaqaalaha badan ee Shire A Jimcaale u soo farsameeyay, waxuuna ku mashquulsan yahay wixii uu ku abaal marin lahaa, isagoo mararka qaar ugu yeere agaasimaha guud, marna ku simaha wasiir ku xigeenka.

La soco todobaadka dambe qaybta sadexaad ee "Boobka Bayle & Shire waa balaayo qarsoon".

Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...