[Sirculus] Sidee loo diyaarshay weerarkii ismiidaaminta Hotel Sahafi Muqdisho iyo shaqsiyaadkii abaabulay ?

2
Thursday November 22, 2018 - 06:00:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5954
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus] Sidee loo diyaarshay weerarkii ismiidaaminta Hotel Sahafi Muqdisho iyo shaqsiyaadkii abaabulay ?

    Waagacusub.com - Macluumaad hoose ayaa tilmaamaya in kooxdii iyo Sadaxdii gaari ee Qaraxyada fulisay 09-kii November 2018 ee lagu weeraray Hotel Saxafi Muqdisho iyo dableydii wadada u furtay ay ahaayeen qorshe ay wada dejiyeen NISA iyo Amniyaatka Al-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Macluumaad hoose ayaa tilmaamaya in kooxdii iyo Sadaxdii gaari ee Qaraxyada fulisay 09-kii November 2018 ee lagu weeraray Hotel Saxafi Muqdisho iyo dableydii wadada u furtay ay ahaayeen qorshe ay wada dejiyeen NISA iyo Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banadir.

Diyaarinta Howlgalka.

17 october 2018 waxaa xabsiga dhexe laga sii daayey afar kamida 10-kii Kooxdii weerarka ka geysatay Hotelka.


Loading...

18-October waxay xubnahaas loo geeyay Degmada Afgooye, waxayna ku sugnaayeen 3 maalin kadib waxaa lagu soo celiyay Xamar iyadoo ay lasocoto gabar u kariso cuntada.


23-October waxaa la geeyay guri ku yaalo Cali kamiin, waxayna xafadaas ay joogeen 23-25 bishii October.


26-October waxaa la dajiyay guri ku yaal Ex Shaneemo Ducaale ee xafada Buula xubeey, iyadoo 3 maaliin oo xiriir ah waxaa la soo tusaayay hotel Saxafi, (A)waxaa sidoo kale la geeyay xarunta Gobolka Banaadir (B) iyo Maxkamadaha gobolka (C) 2 maalin, sidoo kale Fiidnimadii habeenkaasi waxey Hortel SYL, kula Kulmeen Taliyaha Sirdoonka Dowladda Federalka Somalia qeybta la dagaalanka argagixisadda Sakariye Ismaaciil oo horey u ahaay Taliyaha Sirdoonka argagixisadda Al-Shabaab, 

Kooxda waxaa la socday Mustaf Caliyow oo ah Xogheynta gaarka ah ee Sakariye Ismaaciil iyo mid ka mida ah Xubnaha ka howlgala xafiiskiisa.


Kadib Maxaa dhacay?


2-November waxaa markale lagu celiyay naftooda haligayaasha gurigii ay daganaayeen.


4-6 November waxay loo waday Degaanka Jabad Geele oo kamida degaanka Ceelasha Biyaha waxayna kula kulmeen Horjoogayaasha ka tirsan Al-Shabaab, habeenimadii 6 November waxaa lagu soo celiyay gurigii Buula Xubeey.


7-November habeenimadeedi waxay ku fiidsadeen Maqaayada Barwaaqo ee isgooyska Taleex, waxaana halkaa ugu yimid Mustaf Caliyow iyo xubno kale ee xafiiska Xuuraanka ee NISA, kuwasoo warbixino hordhaca ah ka siiyay goobaha la qorsheeyay ee A-B-C.


8-November waxaa beerta nabada ku kulmay Sakariye, iyo Gabar la socotay 30 daqiiqo ka dib waxaa goobta soo gaaray Xogheynta Adeege Fahad Yaasiin, iyadoo laga dooday qorshaha iyo sida loo fulin karo.


Isla Habeenkaasi, waxaa la sheegay in sarkaal ka tirsan Xooga dalka Hogaanka Saadka walow aan magaciisa helin, wuxuuna ku wareejiyay Tuutaha ciidanka xooga dalka ee ciidanka 14 October, sidoo kale Horjooge Sakariye ayaa la sheegay inuu 10-Ak 47 ah oo dhowaan Dowladda Jibouti ku deeqday ku wareejiyay Horjooge Mustaf Caliyow oo ahaa isku daba ridaha fulinta qorshahaan,oo watay gaari nooca dhaweeye ah loo yaqaano.


Baabuurta Qaraxa Xagee lagu diyaariyay


Waxaa lagu diyaariyay degmada Dharkeenley xaafada Xoosh, 3:00 waxaa soo dhaqaaqay Gadiidkaasi marka ay marayaan agagaarka Macruuf ayaa waxaa ugu yimid halkaa ragii hubeysnaa oo ay iska sii raaceen sidaa ayuuna ku dhacay weerarkii ay ku nafwaayren dad badan Somalia, Iyadoo kooxdani ay wateen liis magacyada Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqameed iyo qololka ay degan yihiin lambaradooda.

Xogtaan ilaha laga xigtay oo aad loogu kalsoon yahay lama sheegi karo sababo amni darteed.

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...