[Kiiska ]musuq-maasuqa ee xukuumadda Kheyre oo ka ballaaran inta la shaaciyey'

0
Thursday November 22, 2018 - 17:54:05 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Kiiska ]musuq-maasuqa ee xukuumadda Kheyre oo ka ballaaran inta la shaaciyey'

    Waagacusub.com- Musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku helay xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu warramayaa inuu ka ballaaran yahay inta illaa iyo hadda la shaaciyey, islamaarkaana uu socdo baaritaan dheeri ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku helay xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu warramayaa inuu ka ballaaran yahay inta illaa iyo hadda la shaaciyey, islamaarkaana uu socdo baaritaan dheeri ah.

Guddiga Maaliyadda Baarlamanka ayaa toddobaadkan ku eedeeyey xukuumadda musuq-maasuq xooggan oo lagu sameeyey miisaaniyaddii xukuumadda ee 2018, oo maalaayiin dollar lagu lunsaday.

Lacagta la la’yahay ayaa waxaa ugu badan 20 milyan oo ka mid ah 50-kii milyan ee Sacuudiga laga keenay. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ee Yariisow ee waxaa isna ku maqan sideed milyan oo dollar.

Si kastaba xisaabaadkaas ayaa qeyb ka ah kaliya kiis ballaaran, waxaan xaaladda lagu qeexay inay tahay "faanoole fari kama qodna”

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in xubno ka mid ah guddiga maaliyadda ay u sheegeen in tani ay tahay billow oo kaliya, oo ay ka daran yihiin waxa soo socda.

 

Members of Parliamentary oversight committee on finance told me the level of corruption revealed by their report is just the tip of the iceberg, the level of theft of public resource& corruption is deeper than what is reported.They have corroborating evidence 2 support the report



Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...