[Akhri] dukumiinti cadeeyay musuqmaasuqa Wasiir Beyle heerka uu gaaray iyo lacagaha uu bixiyay ?

0
Sunday November 25, 2018 - 23:25:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Akhri] dukumiinti cadeeyay musuqmaasuqa Wasiir Beyle heerka uu gaaray iyo lacagaha uu bixiyay ?

    Waagacusub.com - Heerka musuq-maasuqa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maraya meel aad u sareysa, waxaana soo baxay caddeymo muujinaya ku xadgudub hanti dadweyne oo caqliga ka baxsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Heerka musuq-maasuqa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maraya meel aad u sareysa, waxaana soo baxay caddeymo muujinaya ku xadgudub hanti dadweyne oo caqliga ka baxsan.



Loading...

Saddexdooda sanadkii waxay qaataan $385,800 (saddex boqol & sideetan iyo shan kun iyo sideed boqol Hanti dhowrka qaranku wuxuu baaritaan ku waday kiisaskaan musuq maasuqa ah muddo lix bilood ah. 

 Kiisaskaan ayaa ahaa mushaaraaad iyo gunooyin ay ka kala qaadan jireen Wasaarada Maaliyada, Arimaha Dibada, Safaarada Sweden, Baniga Aduunka, iyo Bangiga Afirka, lacagtaan oo qaarkood la qaadanayey mudo 2 sano ah.

Dhacdadaan Musuq Maasuqa ee foosha xun oo lagu lunsaday lacag gaaraysa $385,800 sanadkiiba mudadaas ilaa iyo hadda  shacabka Soomaaliyeed ma helin cadaalad la horkeeno arintaan oo si cad u muuqata lana hayo cadymihii ducomentiyada lagu qaatay lacagaahaas.

Arrintaan waxay noqonaysaa mid lagu ogaado in ay Xukuumadda ka dhab tahay inay Musuqa la dagaasho iyo in kaliya looma ooyaanka la ugaarsanayo caddaalad ma aha ee caddaalad darro lagula kacaayo shacabka masaakiinta ah ee lagu helay xatooyo $100 doollar ah.

Haddaba waxaad hoos ka daalacataa baaritaankii Hantidhowrka uu ka sameeyay seddexda nin iyo caddeeymo wareeysiyadii lala yeeshay ee ay ku qirteen in ay danbiga galeen, balse, halkii laga sugaayay in caddaaladda la horkeeno wuxuu Hantidhowrka amray oo kaliya in ay soo celiyaan lacagta ay ka dhaceen qaranka.

Haddii ay caddaalad jirto, dhabna ay ka tahay madaxweyne Farmaajo waa in uu caddaaladda hor keena tuugada qiratay dhaca hantida ummadda, lana marsiiyaa ciqaabta ay mudan yihiin.


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...