[Topnews:-] Falkii ugu xumaay ee Jigjiga ka dhacay shalay ?
Waagacusub.com - Dhalinta careeysan ee beesha Jidwaaq ayaa burburiyay Maqaayad uu shaah ku iibin jiray nin Jigjiga mehradiisa looga yaqaan SHAAHA NINKA oo qabiil ahaan u dhashay beesha Ogaadeen.
Mulkiilaha laga burburiyay dhamaan wixii uu nolol maalmeedkiisa kusoo saaran jiray oo agab ahaa ayaa Waagacusub u sheegay in dhalinyaro ku dhawaaqaysay Heego Heego, ay meeshiisa yimaadeen wax walbana ay rafaceen islamarkaana ay qaarkood u hanjabeen iyagoo ku yidhi, "kunoqo nogob iyo meeshaad ka timid".
Dhalinyaradan ayaa ka gadoodsanayd wiilkii sida xaqdarada ah loo dilay shalay balse taasi ma noqon karto sabab kabaha loola dulmaro shaqsi nolol maal meedkiisa iibinta shaaha ka soo saaran jiray.
Sikastaba ha ahaatee dhalinyaradda gadoodsan ee Jidwaaq waa iney beegsadaan maamulka Cagjar ayna magdhaw ka bixiyaan waxyeeleeynta danyarta u dhalatay beesha Ogaadeen ee ka shaqeeysa JIGJIGA sida "NINKA SHAAHAā€¯