[Weerar khasaaro] geystay oo ka dhacay Baydhabo iyo xaaladda oo kacsan

0
Tuesday December 04, 2018 - 20:40:04 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Weerar khasaaro] geystay oo ka dhacay Baydhabo iyo xaaladda oo kacsan

    Waagacusub.com- Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar ilaalineedka "Control" laga soo galo magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar ilaalineedka "Control" laga soo galo magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in bar ilaalineedka waqooyi ee magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeedyo,  waxaana kadib xigay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee magaalada.

Afar ruux oo seddex kamid ah yihiin ciidamada booliska ee goobta joogay ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana xiligaasi socday baaritaanka gaadiid doonayay inay magaalada galaan.

Kooxaha weerarkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana kadib ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobta dadka falkaasi ka dambeeyay.

Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.



Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...