Waa kuma Ina Jaamac Nuur (Afbahalle).

0
Monday December 10, 2018 - 13:42:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4402
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Ina Jaamac Nuur (Afbahalle).

    Abdihakiin Jaamac Nuur Afbahalle waa nin u dhashay Beesha Yoonis Omar ee (Omar Mohamud), wuxuuna leeyahay taariikh madoow oo soo jireen ah. waxaana ku soo koobaynaa sadex qodob.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdihakiin Jaamac Nuur Afbahalle waa nin u dhashay Beesha Yoonis Omar ee (Omar Mohamud), wuxuuna leeyahay taariikh madoow oo soo jireen ah. waxaana ku soo koobaynaa sadex qodob.


Loading...

  1. Magacyada Tolkiis u yaqaan.
  2. Taariikhdiisa madow iyo 
  3. Xiriirka Al-Shabaab


Qodobka koowaad: Haddii aan ku bilaabo magacyada tolkiis u yaqaan, waxaa ka mid ah.

  • Ina Faan badan.
  • Haad kaboole.
  • Ina afdhurwaale ama ina afbahale qofba siduu u yaqaan.
  • Habar keentay (oo loola jeedo markii uu dhashay aabihiis wuu inkiray oo wuxuu yiri ma dhalin ee habarta ha la waydiiyo). 

Qodobka Labaad iyo Sadexaad: waxaan ku soo koobayaa sideed dhacdo oo la xiriirta taariikhdiisa madow waa ina Jaamac Nuur iyo xiriirka uu la leeyahay Al-Shabaab.


  1. 1990 isaga oo kirishbooy ka ah gaari uu lahaa Nuur Hirsi Osman ayuu lacag ka xaday, lacagtaas oo ahayd mid aad u badan. Kadib Nuur Hirsi Osman markuu waayay qof uu uga dacwoodo faraha ayuu ka qaaday.
  2. 1992 wuxuu nin ku dilay magaalada Boosaaso Hotel Gacayte hortiisa, ninkaas wuxuu ahaa Beelaha la hayb sooco.
  3. 2000 waxaa ka soo dacwooday Hooyadiis, waxayna u soo dacwootay odayaasha Beesha uu ka dhashay, waxay ku tiri wiilkaygu markasta wuxuu igu dhahaa waxaa tahay dhilo. kadib Odayaashii ayaa u yeeray waxay dheheen maxaa ka jira waxa Hooyadaa kugu soo dacwaysay, isla markaas ma uusan inkirin wuxuu isku dayay in uu sababeeyo hadalkiisa. Arrintaas waxay af-kalaqaad iyo dhabano hays ku noqotay odayaashii. Soomaalidu waxay tiraahdaa (Nin Hooyadiis cadceed u jiiday Aayadiis har ma geeyo).
  4. 2006 Nin la yiraahdo Cadooye oo Reer Mahad (Omar Mohamud ) ah ayuu wuxuu ka dhacay naagtiisii iyo caruurtiisii oo illaa iyo haatan sidii ayuu ku haystaa oo wiliba ayuu caruur ka dhalay. waana arrin caan ka ah Galkacyo iyo dadka dagan gaar ahaan Omar Mohamud dhexdiisa.
  5. 2016 wuxuu afka iska mariyay lacag Mag ah oo qabiilka oo dhan ka dhaxaysay oo Dowladda Puntland laga soo qaaday. Lacagtaas Dowladdu waxay ka bixisay gabar uu dhalay nin la yiraahdo Jubbo (Jubbo waa nin Yoonis Omar ah) oo gabadhiisa Eebe ku sababay ciidamo Puntland ah. Jubbo waa nin aad iyo aad danyar u ah oo caruur badan dhalay, sidoo kale Jubbo waa nin madi ah (kali aan walaal lahayn) waxayna ilma adeer laxmi ah yihiin Iimaan Abdinajiib oo adduunka caan ka ah.
  6. 2016 wuxuu cunay lacag loo aruuriyay ina adeerkiis laxmi ah, Xalus Farah Dheere  Nuur (AUN) oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay Xero Dayax gaar ahaan Dowladdii Hoose ee Xero Dayax horteeda. Xalus Farah Dheere wuxuu ahaa nin tolka dhexdiisa laga qadariyo oo la jecel yahay. Dhibaatadii ku dhacday Xalus waxaa u kacay tolka waxaana loo soo aruuriyay lacag 40,000 Dollar ah, kadib ina Jaamac Nuur ayaa gacanta laga saaray, dibna looma arag lacagtaas waana laga soo saari waayay. 
  7. 2018 (Al-Shabaab): Abdihakiin Jaamac Nuur Afbahalle wuxuu xiriir dhow oo wada shaqayn la leeyahay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab. wuxuu qayb ka yahay dilalka Qorshaysan ee ka dhaca Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Galkacyo. waxaa u danbaysay wiil dhalinyaro ah oo la soo shirqoolay laguna dhex dilay guriga Ina Jaamac Nuur, wiilkaas dhalinyarada ah wuxuu u dhashay Beesha Reer Mahad ee (Omar Mohamud). dilkaan qorshaysan ee ka dhacay guriga Abdihakiin dhexdiisa waa arrin ay la socdaa bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.
  8. 2018 (Al-Shabaab) Bishii November, odayaasha Beesha Sacad (Habar Gidir) ee dagta Koonfurta magaalada Galkacyo (Galmudug) waxay ku eedeeyeen Abdihakiin Jaamac Nuur Afbahalle in uu ku lug lahaa weerarkii iyo qarixii lagu dilay Sheekh Abdiwali Sheekh Ali Cilmi laguna xasuuqay xertiisii, eedayntaas loo jeediyay illaa iyo haatan kama uusan jawaabin.

FG: Ina Jaamac Nuur wuxuu fududaynayaa xeeladaha argagixisada ee ah in kaaba qabiilada dad lagu dhex yeesho, si ay danahooda uga fushadaan, wuxuuna had iyo goor isku dhexdaraa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka. Waana dilaa caan ah, wax kasta wuxuu u samaynayaa nacfi raadis ama hunguri.


Waxaa kale oo aan idiin haynaa xog intaas ka badan oo aan ugu talagalnay in aan idiin soo gudbino. qaybta labaad filo goor dhow.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...